Saturday, April 12, 2008

HADII AAD TAHRIIBI RABTO AKHRI WARBIXINTAAN


Sayidnaa Ali Bin Abii Taalib Karamalaahu Wajahah Wa RC oo ahaa imaamkii Muslimiinta ayaa waxaa uu Yiri asigoo Ka hadlaayay Faqriga 'Hadii uu faqrigu Nin ahaan lahaa seef ayaan Qoorta uga jari lahaa'

Haddaba inkastoo Dhulka Afrika uu yahay dhuli Qani ah oo wax walba laga helo hadane Faqriga iyo Gaajadda (HANGER AND THE POVERTY) ee ka jira Dalalka Afrika ayaa waxuu ku kalifay boqolaal Dhalinyaro ah oo u dhashay Dalalka Afrikada waqooyi, Afrikada dhexe ,Afkirada Bari in ay baddaha si murugo leh ugu dhintaan Dalka Aljeeriya oo ku yaalo waqooyiga Africa ayaa waxey dhalinyaro badan u tahriibaan Yurub ayigoo raaca Dooman, waxaana dhacda in Qaar ka mid ah Dhalinayaradaasi ay Gaaraan Dalalka Midowga yurub Gaar ahaan Dalalka Spain iyo Talyaaniga ayidoo kuwa kalane Ayigoo faqri ka cararaayo uu ku Cuno badda dhexdheeda Yaxaas Badeed


Dhambaallo lugu Qoray Sigaarka warqadiisa lugana soo dhex riday dhalooyin laga cabay cabitaano oo ay Badda soo tuurtay ayaa waxaa laga helay xeebaha Badda Aljeeriya,dhamaabaladaas ayaa waxaa Ahalkooda usoo qoray Dhalinyaro Aljeeriyaan ah oo doonayay in ay gaaraan Yurub si Tahriib ah Balse markii ay ogaadeen Mowjahadaha Badda weynta oo ku kacay darteed in aysan bad baadi doonin Doonida kasoo dul qoray waraqadahaan muragada leh, waxaana ka mid ahaa Hadaladan hoos ku Qoran: ' Hooyo Iga Raali Noqo Aduuunka Korkiisa waxaan la joogi Waayay Faqri intii uu i cuni lahaa aboorka Waxaan Ka Door badiy in uu Badda igu Cuno Yaxaas Badeed ama Aan yurub Galo si aan Faqriga uga Baxo'

Mid kale ayaa waxuu warqad Ahalkiisa usoo Qoray ku Yiri' Hooyo iyo Aabe waxaan isku daayay in aan Dalkeena ka cararo, Lakiin Nasiib Daro sida muuqata Badda ayaan dhaafi wayay, Waalidkii aan jeclaayow Walaalihii aan jeclaayow Naftiina ka taxadira, aduunka idinka ayaan idinku jeclahay, Qofkii amarka Waalidkiis Qaadan waayo meel xun ayaa u danbeyneyso, Nabadgelyo waan ka xumahay in aan warkiina diiday'

Mid kale oo asigane ka mid ahaa dhalinyaradii Tahriibka ku jiray ayaa waxuu ku yiri Warqadiisa'Hooyadii Qaaliga aheed waxaan warqadaan kusoo Qoraa ayidoo mujada xun nugu kacsanyahiin,aniga iyo 5 aljeeriyan ah ayaa isla raacnay laash kuleemeysi waxaan islaheen dabaasha markaad u dhawaataan xeebaha talyaaniga, lakiin waxaa muuqata in anan gaareyn Talyaaniga una soo laaban doonin Aljeeriya, iska key cafi hooyo ma dooneyn in aan soo tahriibo lakiin waad ogtahay dhibaatada aan ku jiray waan ku jeclahay'


Warqad kale oo ay heleen ciidamada badda ee Aljeeriya ayaa waxey u Qoreed Sidan'Waalidkeyga Badda ayaa kacsan ma ogi meesha aan ku suganahay qofkii diid Nasiixadiisaa waalidkiisa waxaa u danbeyn doontameel xun , hadii aan noolaado waan iska arki doonaa hadii aan dhinatana waxaan isku arki doonaa Alle agtiisa'


Wiil asigane lugu magacaabo Maxamuud oo 24 jir ah Rabana in uu Tahriibo ayaa waxuu yiri' waxaan taaganahay maalin walba Dekadda waxaan sugaa markab aan ku dhuunto waxaan rabaa in aan Dalkaan isaga ka tago maahan meel la joogi karo, waxuu gacanta u galay maafiyo, waxaan rabaa in aan yurub galo ee shaqeesto kadibna guursado waxaa Nasiib leh kuwii badda ku geeriyooday kuwaasoo ka tegay faqrigaan iyo shaqo la,aantaan.


Warqadahaan muragada leh ayaa waxaa qoray dhalinyaro aljeeriyaan ah oo doonayay riyadooduna aheed in ay si Tahriib ah ku gaaraan Janada yurub si ay shaqo wanaagsan u helaan kadibna ay u guursadaan ayigoo ka cararaayay faqriga iyo shaqo la,aanta ka jirto Dalkooda lakiin Nasiib Daro riyadoodii ku dhamaatay in uu Yaxaas badeed Cuno sida kumanaan Soomaali ah oo maalin walba dhibaatodan oo kale ku dhacdo.


Uga danbeytii waxaan Shaki ku jirin faqrigu in uu yahay Cadow iyo cudur Bini'aadanka oo dhami la dagaalamo waxaan ayidana shaki ku jirin in dad badan oo ku nool dunida in ay ku jiraan faqri kii ugu xumaa kuwa kalane ay ka carareen dhulkoodii hooyo ayigoo raadinaayo nolol ka wanaagsan tan dhulkooda hooyo ay ku noolaayeen, faqrigu waa cudur aadmiga dhami wada neceb yahay kuna kalifa Insaanku in uu sameeyo wax yaabo badan oo laga xishoodo,faqrigu waa wax mudan in laga cararo aadna u xun caalamka oo dhana laga necebyahay muslimiintuna ay ka duceestaan, faqrigu waa kan dadka is jecel kala geeya, faqrigu waa kan dadka is qaba kala fura, faqrigu waa kan dumarka ku kalifa jirkooda oo ay jecelyihiin in ay gataan, faqrigu waa kana ku kalifa waalidiinta in ay gadaan ubadkooda oo ay aduunka u jecelyahiin,faqrigu waa kan caruurta dhiga wax barasho la,aan,faqrigu waa kan ku kalifa Raga Qaarkooda in ay gataan Kaliyah Dumarkooda inta kala baxaan ama Kilyahoodaba gataan lakiin inkastoo dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan waxaa muhiim in mar walba Nafta la ilaaliyo lana jeclaado Nolosha oo laga shaqeeyo sidii looga hortig lahaa faqriga. Haddaba Akhrisow anagoo og Dalka Soomaaliya in uu yahay Dalalka ugu faqiirsan Dunida makula tahay faqri kasto oo jiro in ay yurub tahay meel mudan rafaadkaas in loo maro ? maxaadse jeceshahay in aad kula taliso dhalinyarada soomaaliyeed ee raba in ay Tahriibaan ? maxeysa tahay arigtidaada ku aadan Guud ahaan Tahriibka? Sideesa u aragtaa dhalinyaradan Aljeeriyaanka ah ma kuwa ku khaldan Tahriibkooda misa kuwa ku saxsan?

Ismaaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com

TAHRIIBKII GEERIDA'warbixin Muruga Xambaarsan'



Daruufaha adag iyo Dagaaladda sokeeye ee ka jira Dalka soomaaliya waxii ka danbeeyay Markii uu dhacay Nidaamkii Siyaad bare 1991 waxey kumaanan soomaali ah ku qasbanaadeen in ay raacaan hirarka Badaha una soo cararaan xeebaha Yemen ayigoo ka cararaayo xabad, Qaajo, Nabadgelyo xumo ka jirto Dalkooda raadinayana Nolol ka wanaagsan tan ay ku jiraan Tahriibkan waxuu wataa Qatartiisa waxuuna Noqday Ganacsi ay lacag fiican ka helaan kooxaha dadka soo Tahriibiyo waxaana lugu tilmaami karaa in uu yahay ganacsi akhlaaq la,aan ah, maxaa yeelay ka cararka dhibaato waxey ka dhigaan kooxaha dadka tahriibiyo u carar dhibaato ka fool xun tii laga soo cararay.Qaxootiga Soomaaliyeed Qaar kood waxey si dhib ah fursad ugu helaan in ay soo gaaraan xeebaha Yemen gaar ahaan xeebta Caddan, Abyen iyo shabwa ayigoo ka faa'iideysanaayo xeebta Yemen ee dhirirka badan ee uu gaaraayo dhirirkeedda 2400 Km ee Badda Cas ee Carabta, waxeyna noqotay Safaradda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay Yemen kusoo aadayaan Kuwa Isbuucle ah gaar ahaam markii ay Baddu degan tahay. Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan ayaa waxey u kala Qeybsamaan labo Qeybood, Qeybta kowaad waa Qeybta Degan sidexda Kaam ee Qaxootiga oo Kala ah: Xearada Qaxootiga Kharaz ee xaafadda Laxaj, Xerada qaxootiga Meefcah ee xaafadda Shabwa, kaamka Basaatiin oo ku yaalo Magaaladda Caddan. Qeybta labaad waxey ku noolyahiin kaamamka Ka banaanka waxeyna u badanyahiin Xayil Basaatiin,xayil Saafiyah ee Caasimadda Sanca, waxeyna Tahriibayaasha ka fakada Ciidamadda Badda Yemen ay si Toos ah u aadaan magaalooyinkaan maadama ay ku noolyahiin dad ay Qaraabo yahiin waxaana labadaan Magaalo lugu tilmaami karaa Magaalooyin soomaaliyeed marka aad fiiriso sida Soomaalidda u buuxdo.


Qeybta Kowaad ee ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool kamamka ayaa waxey ku noolyahiin daruuf nololeed oo aad u liidata aadna u adag sida uu sheegay Wasiirka Iskaashiga Holand Beyruut Konderz oo booqday kaamka Kharaz, inkasatoo Qaxootigaani ay ka qaataan kaalmooyiin isug jiro Cunto iyo Daawo Ha'yadda Qamadda midoobey u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNCHR.Nuuca labaad ee ku Nool ka banaanka Kaamamka ayaa waxey ku ku tashadaan Naftooda ayidoo aysan jirin Cid kaalmo siisa waxeyna ka shaqeeyaan shaqooyin yarar, dhalinyaradda waxey ka shaqeeyaan dhaqinta Baabuurta, Dhisadda Guryaha Dadka waayeelkana waxey Dantu ku kaliftaa in ay gacantooda taagtaan (Tuugsi) ama dawarsi.Gabadhaha ayaa waxey ka shaqeyaan Guryaha, Gabdhaha Qaar ayaa waxey daruufta adaga ku kaliftaa in ay halaabaan ayigoo jirkooda Ka ganacsadda.


Mudane.Maxamed Diiriye oo ah madaxa Gudiga Qaxootiga xaafadda Caddan ayaa waxuu sheegay in Qaxootiga u Qoran Caddan kaliya uu Bilowga sanadkaan 2008 kor dhaafay 22 kun oo Qaxooti ah waxuuna intaas ku daray in Qaxootiga Soomaaliyeed markii ay Soo gaaraan Yemen Qaar ka mid ah ay usoo gudbaan xaduuda Dalka Sacuudiga ayigoo sii raadinaayo Nolol ka Wanaagsan Mida adag ee Yemen.Maxamed Diiriye waxuu u kala qeybiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan laba Qeybood.Qeyb kasoo carartay Markii Dagaalka Ahliga ah Soomaaliya ka dhacay lana Riday Xakunkii Siyaad Barreiyo Qeyb Kasoo carartay labo sano ka hor Markii ay Ciidamadda Itoobiya Soo galeen Dalka Soomaaliya,waxuuna sheegay Maxamed Diiriye in ay u badanyahiin Qeybtan danbe dhalinyaro sanadoodu u dhaxeyso 20-25 kuwaas oo noqday kuwa ka badan Caruurta iyo hooyayaasha oo uu badnaa xiligii hore Qaxootiga usoo carari jiray Dalka Yaman.


Maxamed Diiriye waxaa uu sheegay in ay Sabab u tahay in ay u badnaadaan xiliyaddan danbe Qaxootiga Yemen soo gelaayo Dhalinyaradda, Ciidamada Dfk Soomaaliya oo dhalinyaradda ku eedeeyo in ay kasoo Horjeedaan Ciidamadda Itoobiya, Taas oo keentay in aabayaasha Dhalinyaradda kula taliyaan in ay Dalka isaga cararaan, ayigoo ugu baqaayo in wiilashooda Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dfka ka Dilaan ama jeel la dhigaan.Warbixino la helaayo ayaa waxey sheegayaan in Dumarka soomaaliyeed la kulmaan Kufsi kaga yimaada dhinaca Kooxaha soo Tahriibiyo inta ay Tahriibka ugu soo jiraan Xeebaha Yemen, Lakiin Madaxa Gudiga Qaxootiga Magaaladda Cadan waxuu sheegay in uusan Hubin arinkaas lakiin waxuu sheegay in jiraan dad ay liis gareeyeen kuwaas oo ay jirdil iyo dhaawacyo ugu geesteen lashashka Ama Doomaha Tahriibka dhexdooda Kooxaha dadka Tahriibiyo .


Arinta ku saabsan in Gabadhaha Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka Yemen jirkooda Ka ganacsadaan ayna u Gudbiyeen Cudurka HIV Aids-ka ah Rag Yemeniyiinta ah, ayaa waxuu sheegay Mr. Diiriye in ay yahiin xaalado aad u yar waxuuna sabab uga dhigay Hadii ay jiraan gabdho Soomaaliyeed ee Jirkooda ka Ganacsadda iyo dhalinyaro soomaaliyeed oo xaafaddaha qaar lugu eedeeyay in ay ka geestaan dhac ayna xadeen Mobiledda gacanta faqriga iyo dhibaatadda ku heysata Dalka Yemen. Xiliyaddan danbe kumaanan Soomaali ah ayaa waxey ku dhinteen badda korkeeda ka hor inta aysan gaarin xeebaha Yaman, waxuuna sabab uga dhigaa Gudoomiyaha Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Cadan labo Arimood mida waa kooxaha ka shaqeeyo Tahriibka oo Doomaha soo saara Qaxootiga xili ay baddu kacsantahay kuna rara wax ka badan Doonta Tankeedda taas oo keenta in ay doonto Qalibanto Arinta Labaad waxaa ay tahay kooxaha Dadka tahriibiyo oo Naxariisa Laawayaal ah oo dadka ku Qasba in ay bad weynta dhexdeeda ku dadaataan kana boodaan Doomaha,ayigoo ka baqanaaayo in ay gacanta u galaan Ciidamadda Badaha Yemen Qaar ka mid Qaxootiga soomaaliyeed ee Soo gaaray xeebaha Yemen ayaa waxey sheegeen in ay dhibaan 50 Doolarka Mareykanka ah si looga soo Qaado Dekadda Boosaaso loona keeno Xeebaha YemenGolaha Qaranka Yemen ee arimaha Qaxootiga ayaa waxey ogolaadeen maalmo ka hor in ay sameeyaan waax Gooni ah oo shaqadeed tahay Dejinta iyo fulinta siyaaddaha ku aadan Arimaha Qaxootiga Dr.Cali Mithny Xasan oo ah ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Ahna Gudoomiyaha Gudigan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Yemen uu culees badan kasoo wajahay Qaxootiga soomaalidda hadii ay ahaan laheed culees dhaqaale,culees bulsho,culees Aqoon, waxuuna Wasiirku sheegay in maalinba maalinta ka danbeyso uu kor usii kacaayo Qaxootiga soo gelaayo Dalka Yemen Arinkoos oo uu sheegay in aysan Yemen kaligeed Qaadi karinWasiirka ayaa waxuu sheegay in uu aad u yaryahay dhaqaalaha aduunweynuhu ku bixiyo qaxootiga inkastoo caalamka arinkooda la socdo.


Tirakoob rasmi ah oo ay sameeyeen dowladd Yemen iyo UNCHR-ta ayaa waxaa lugu sheegay in uu gaaraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Yemen 113,000 Kun oo Qaxooti ah, Lakiin ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Yemen waxuu aaminsanyahay in tiradad Qaxootiga ku sugan Dalka uu yahay taas laba jibaarkeed asigoo sabab uga dhigay in Qaxootiga dhan aysan iska Qorin xafiiska Hay'adda Qaxootiga Aduunka, wasiirku mar uu ka hadlaayay Dhaqaalaha Dowladda Yemen kasoo Gaar Dhanka UNCHR-TA ayuu waxuu sheegay in sanadkii lasiiyo Dowladda Yemen lacag gaareyso Hal millyan oo Doolar asigoo sheegay in sanadaha soo socdo laga yaabo in Lacagtaasi kor u kacdo Waxaa soo baxay Maalmaahan Danbe Ururo iyo Kooxo Yamaniyiin ah oo kasoo Horjeedo Joogitaanka Qaxootiga African ah Gaar ahaan Qaxootiga Soomaalidda ayigoo ku eedeeyay Qaxootiga soomaalidda in ay u gudbiyaan dadka reer Yemen Cudurka HIV Aids-ka arinkaas oo Qaxootiga Soomaalidda ku dhaliyay Cabsi.


Haddaba waxaan shaki ku jirin in Dadka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan dhibaato ku heysato waxaana lugu tiriyaa Qaxootiga Yaman ku nool in ay yahiin kuwa dhibaatadda ugu badani heysato waxaana loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed ee wax heesta meel walboo ay joogaan in ay Gargaaraan walaalahooda Daruufaha adag ku heysato Dalka Yemen, waxaana Nasiib daro ah in maamulka Cadde muuse uusan waxna ka qaban kooxaha dadka sida naxariis daradda ah dadka ugu daadiyo badda ayna xur yahiin ayidoo aysan jirin cid cadaaaladda la hor keenay oo Ka tirsan Kooxahan Dadka ka Ganacsadda, Arinkaas oo dad badani u arki karaan arin qorsheysan oo uu lug ku leeyahay Maamulka Cadde muuse, Waxaa la hubaa haddii uusan Maanta Cadde Muuse kooxahan Cadaaladda hor keenin in La hor keeni Doono Maalin Dalka Soomaaliyeed ay jirto Dowladda Cadaaladda ku Dhisan oo la xisaabtami karo loona qaadi Doono Masaakiinta kamamka Yemen ku jiro Xaqoodda Mar hadii aysan wax ka qabaneyn xakuumadda Cadde muuse arintaas oo la hubo in ay wax ka qaban karto waxaa looga baahanyahay Dadka Soomaaliyeed in aysan naftooda Haligin oo aysan isku dayin in usoo Tahriibeen Dalka Yemen ayigoo u jeedo dhibaataddan heysata kuwii hore usoo Tahriibay, waxaa cad Nolosha Yemen oo xitaa Soomaalidda loo diiday in ay tuugsadaan in aysan dhaamin Nolosha Adag ee Soomaaliya oo ka jirta oo hadii wax kale la waayo anan Tuugsi luguu xireyn.


Waxaa Hubaal ah in ay joojin doonaan Dagaaladda Kooxaha Kursi doonka ah ee ku Dagaalamaayo Soomaaliya Hadii ay leeyihiin Qalbi Naxariista Marka ay arkaan dhibaatadda heysata dadka Daradood Baddaha usoo maray oo intii ay heli lahaayeen Nolol wanaagsan loogu bedelay Rafaadkii Soomaaliya in Qaarna la Adoonsado Qaarna lugu eedeeyo in ay jirkooda gataan Qaarna loo diido xitaa in ay Tuugsadaan Ugu Danbeyntii Maamulka Puntland ayaa la dhahi karaa waxuu Dusha saaran doonaan mas'uuliyada tahriibinta dadkaan Masaakiinta ah hadii uusan wax ka qaban arintaan waxaana ugu dambeyn wanaagsan in laga wacyi geliyo dadkaan nafsadooda halista Badweynta kusii daynayo ayagoo galaya nolol ka dhibaato iyo xanuun badan tii dalkooda ay ugu soo Qaxeen


Ismaaciil Saxaaf

saxaaf@hotmail.com