Sunday, November 11, 2007

QISO JACEEL MURAGA LEH OO KU DHACDAY WIIL SOOMALIYEED OO KU NOOL DALKA MASAR



Wiil aanu magaciisa kusoo koobnay Cumar oo ku Nool Dalka masar ayaa waxaa ku dhacday Qiso muruga leh,ka dib markii uu jeclaaday Gabar ku Nool Dalka Holand Oo Lugu Magacaabo Fahiimo Saalax oo ay isku bartaan Qololka Chat Roomka Gaar ahaan kan Markacadey.
Cumar iyo Fahiimo ayaa Markey wada socdeen Hal sano ku dhawaad waxey ku heshiiyeen in ay jeceelkooda guur u bedelaan Waxaana La balamay Maalinta Jimcaha salaada ka danbe in Leesku mahriyo oo ay Fahiimo Online soo Noqoto Msnka,Markii Saaladii Jimcaha Laga baxay ayaa waxuu Cumar soo weday wadaad Lugu magacaabo Sheekh Axmed si uu ugu nikaaxiyo fahiimo, lakiin waxaa dhacay Waxaan La filaneyn Fahiimo oo la sugaayay in ay online msnka kasoo noqoto ayaa Online kasoo Noqon weysay, Cumar Waxuu ISku dayay in uu Ka waco TelefoneKa, Lakiin Nasiib Daro Telfonekeedana Waa xirnaa, Cumar waxuu Dareemay In Fahiimo been u sheegtay, Waxuuna ISka Fasaxay Sheekhii Kana raali Galeeyay Arintaan.

Cumar waxuu Raadinaayay Fahiimo Mudo Dheer Lakiin waa uu Ka Quustay in uu helo Meel ay Cirab iyo Raad dhigtay.
Cumar oo ahaa wiil Furfuran Inta badanna gala Goobaha somalida ku wada sheekeystaan ayaa waxuu Muda Ka danbe Ka Bartay Gabar Qol ka mid ah Qolalka Paltalka(Waa Meel Soomalid ku wada sheekeestaan Qoraal ahaan Iyo Cod ahaan ahaan) Gabadhaas oo maagaceeda ISugu Sheegtay Nasra oo Ku Nool Magaaalada London Ee Cariga Ingiriiska, Cumar iyo Nasra waxey wada socdeen Mudo 6 Bilood ah, waxuuna u sheegay Nasra In uu Yahay wiil Anana Rabin sheeko Kaliya sida dhalinyarada somalida inta badan ,Lakiin uu doonaayo Guur Xalaal ah, Waxuuna Nasra U sheegay Qisadii hore Ugu dhacday ,Nasra Waa ka Aqbashay Guurkii waxeyna Balameen In ay is Guursadaan, Maadama aysan Meel isla joogina Telefoneka lugu Nikaaxiyo ,Lakiin Nasiib Daro waxaa dhacay Arintii Hore Mid ka daran Waxaa La waayay Nasra Telefonekiina Waxaa ka Qabtay Nin isku sheegay In uu Qabo Nasra, waxey Noqotay wax la yaableh.

Cumar oo Arintaan Yaab ku Noqotay ayaa waxuu Go,aan ku gaaray In uu Naag dhan wax la Dhaho iska dhaafo una soo jeestado waxbarashadiisa , Lakiin Wiil saxiibkiisa ahaa oo La yaabay daacad Nimadiisa Kana Naxay Sida Gabdhahaan Beenta ugu sheegeen, ayaa waxuu dhahay waxaan ku baraa Gabar wadaada ah oo Reerkeedu Yahiin dad diinta ku wanaagsan oo Ku Nool Dalka Canada ,markii Hore Cumar waa diiday Lakiin markii Danbe Waa ogaaladay asigoo isleh Hadiiba ay wadaada Tahay waa ku duwaanan doontaa kuwii Hore oo Beenta Badnaa, Cumar markii Gabadha La baray 3 bilna wada socdeen Gabadhanu ay tahay gabar wadaada ah, ayuu markiiba sheekada waa usoo koobay waxuuna ka Codsaday Guur Xalaal ah, Raxiimo waxey u sheegtay in ay Guur diyaar U tahay Lakiin marka hore Uu ka Doonto Xaaji Muriiddi oo ahaa Aabaheed,Cumar ayaa isla Markiiba waxuu wacay Raxiimo aabaheed, waxuuna u sheegay in uu doonaayo Gabadhiisa raxiimo Ah, Xaajiga ayaa waxuu isla markiiba weydiiyay Wiilka Qabiilkiisa, Cumar ayaa waxuu la yaabay su,aashaasi Maadama uusan filaneyn waxuuna u sheegay In uu Yahay Nin Muslim ah Diintana Ku wanaagsan Qabiilna uusan Muhiim aheen, Lakiin Xaaji Muriidi ayaa markale Su,aashii ku celiyay, Cumar waxuu Ku qasbanaaday in uu sheego Qabiilkisa waxuuna u sheegay in uu kasoo Jeedo Qabiil ka mid ah qabaa'ilka Soomaaliyeed balse Raxiimo aabaheed markii uu maqalay magacii Qabiilka Codkiisa dhan ayaa is bedelay waxuuna muujiyay inuusan cajibin Qabiilkaas, Xaaji Muriidi ayaa waxuu hadalkii ugu soo koobay Cumar Anaga Qabaiiladaas Gabdha Kuma Darsano,Dadkeena ayey dhameeyeen Dumarkeenana waa iska kufsadaan,dhulkeenana xoog ayey ku heestaan ,Telefonekiina waa Isi saaray asigoo anan jawaab ka sugin Cumar.

Arinkaan ayaa waxuu Ku noqday Cumar filanwaa kuweynaaday madaxiisa, isla markaasina asagoo ilmeynaya ayuu waxuu is weydiiyay adiga miyaa iska dhigay Qabiilka aad tahay Mise Alle ayaa kaa dhigay ? Duqaan hadii asiga Qabiilkaada uu ahaan lahaa adigana Aad qabiilkiisa ahaan laheed ma rabi lahaa in aad sidaan ula hadasho? Qabiilkaada Hadii ay dad Dulmeen maxaa Kaa khuseeya? Hadii aad tahay ruux Islaam ah maku qanci waayay gabadha aad dooratay Aabaheed? Soomalida goormee Qabiil ka tanaasuli doonaan oo ay isku deey doonaan labadii is doorata? Waa Yaabe Ma aniga ay wax iga khaldanyahiin misa Dumarka somaliyeed Guur marabaan waxey rabaan in loo sheekeeyo kaliya? maxey Dumarkaan bartay u noqdeen kuwa reerkooda ii diiday iyo kawa iga dhuuntay?
Cumar waxuu is weydiiya su,aalahaas iyo Kuwa la Mid ah, Lakiin Ma UUsan Helin Cid uga Jawaabta, waxuu wacay Raxiimo waxuuna u sheegay aabaheed hadaladii uu ku hadaaqay, islamarkaana Raxiima oo uu ka sugaayay in ay Gabarab istaagto ayaa waxey u sheegtay in xiriirkoodii Halkaasi ku dhamaaday maadama aysan ka awood badneyn Aabbahii dhalay Ilaahna uu Amray in waalidka la adeeco. Cumar waxaa dheci jirtay mararka Qaar in uu Lacagtiisa Ku fadhiisto Internetcafee asigoo baahan si uu Gabadhaha uu xiriirka La lahaa Ugu sheekeeyo ayidoo mararka Qaarna Ay dheci jirtay in uu Internetcafee usoo Dego Xiliga Qaahira Laga jeefo maadama aanan Leesku waqti aheen, Lakiin hada Cumar waa iska dhaafay in uu wax xiriir ah la sameeyo ama uu aamino Dumar danbe sida uu ii sheegay, Cumar waxuu hada usoo jeestay in uu wax barashadiisa xooga saaro, markii uu iiga sheekeynaayay dhibaatooyinkan Dumarka uu aaminay u Geesteen Indhahiisa ay ilmeynayeen, islamarkiina xabadka ayaan galiyay waxaana ku samarsiiyay In wax waliba Alle uu qadaray islamarkaana adduunyadu ay tahay imtixaan sidaa darted uu samir yeesho, uuna heli doono qof jecel dumarkuna aysan isku wada mid aheyn.Arintaan oo ah mid aad murugo u leh ayaa noqotay mid ay ka xumaadaan dadkii asxaabta la ahaa Cumar waxaana ay noqtay mid ku reebta Murugo iyo amakaag Jaceyl, Luguna Xisaabiyo Sidii Qof waalan oo kale ,waxaase isweydiin mudan dumarkii sidaa ula dhaqmay Cumar oo ahaa ruux niyad wanaagsan halka ay ku dabneyn doonaan iyo duqii qabiilka marmarsiimada uga dhigay Arooska gabadhiisa uu wiil dhalinyaro ahna darted uu u qaracmay.
Qisadana ayaa waxuu Cumar iga codsaday in aan u bandhigo dhalinyarada Soomaaliyed si ay uga feejignaadaan waxyaabaha qaar oo ka dhaca aalladda Internetka waana ka aqbalay maadaama uu yahay ruux Dhibanne ah.

No comments: