Wednesday, November 14, 2007

11 JIR MASAARI AH OO NOQOTAY HOOYADII UGU YAREYD ADUUNKA . (Qiso Layaab leh)


Gabar Lugu Magacaabo Hindi Maxamed u dhalatay dalka masar ayaa waxey noqotay hooyadii ugu yareed ee dunida kadib markii loo geestay kufsi taas oo keentay in ay uur ku qadaado dabadeedna ay dhashay 11 sano ayidoo jirto gabar ay ugu magac dartay Minatulah.
Hindi Maxamed ayaa waxey warbaahinata Gudaha Masar iyo Dibada uga sheekeysay dhacadadaaan xanuunka badan waxeyna ku bilowday hadalkeedii sidan.
'Anigoo u socdo Naadi Lugu ciyaaro Kubadda cagta oo ku yaalo goob ay u badanyahiin dadka shacbiga( danyarta) si aan u keeno walaalkey oo jiis ah saacaduna ay tahay labadii maalinimo, qof ayaa xoog igu soo jeeday waxuuna ila hoos galay dhismo anan wili la dhameestirin, asigoo igu handadaayo mintidii uu watay waxuu qoofkaasi i fadhiisiyay al-wax korkeekiisa kadibna waa i kufsaday markii uu i kufsaday kadib waa i garaacay waana iga tagay anigoo gareyn xitaa meesha uu igu kufsaday, waxuu qofkaas inta uusan iga tigin iigu hanjabay hadii aan dhacdadan u sheego hooyadey ama aabahey in uu i dilaayo waxuuna igu yiri waan garanayaa saacadaha aad maalin walba schoolkoolkaada aado ee sidaas ogow.
waan iska ooyay maxaa yeelay ma awoodo in xitaa aan gurigii u laabto waxaa i aragtay islaan oo i gaartsiisay ilaa iyo goobtii Naadiga ee Ciyaaraha kadibna aniga ayaa kaligey gurigii usoo laabtay.
dabcan islaantaas ma anan u sheegin kufsigii la ii geestay sababtoo ah waxaan ka cabsanaayay ninkii i kufsaday.
Shan bil kadib dhacdadii kufsiga, waxaan dareemay colool xanuun aad u xanuun badan waxeyna saacadu aheed 2 habeenimo, abaahey ayaa waxuu ii keenay kaniin xanuun ka hor inta anan subaxdii la ii wedin cisbitaal si la ii saaro raajo, goobtii raajada waxaa dhacday arintii iigu yaabka badneed nolosheyda waxaa uu dhakhtarkii inoo sheegay in aan uur leeyahay.
hadda hooyadey ayaa gabadheyda ku dadaasho ayida ayaa cunta siiso ayida ayaa caafimaadkeeda ka warheyso aniga waxaan u nuujiya naaska oo kaliya.
Waxaan u laabtay schoolkeyga oo aan ka dhigto fasalka lixaad ee dugsiga hoose,bilowgii schoolka markaan ku soo laabtay ardayda qaar ayaa i dhibeen ayigoo igu fowdeynaayo kufsigii la ii geestay iyo in aan Tvga Ka hadlay.
aniga malihi wax asxaab ah ilaa iyo hada, familkeyguna dadka ma dhex galaan,
Waxaan dareemayaa xanuun sababtoo ah waa markii iigu horeysay oo aan maro uur iyo dhalid, waxaan sidoo kale dareemayaa in aniga iyo gabadheyda dulmi noola geestay maxaa yeelay shaqsigii dhibkaan ii geystay waxey maxkamadu tiri dinbi malahan.
waxaan aniga iyo familkeyga warbaahinta la hadalnay kadib markii shaqsigii kufsiga ii geestay maxkamadu tiri dinbi malahan anigoo dooneynay in aan fikirka guud ee bulshada kicino.
Waxaan doonayaa gabadheyda Minatulah in ay noqto qanuun-yahan si ay xaqeeda ugu doodo oo xitaasi ay usoo dhacsato.

Markii dhacdadaan kufsiga warbaahintu ogaatay ayey Suzan Mubarak haweeneyda madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubarak ay soo saartay go,aan ay nugu siineyso aniga familkeyga guri cusub oo ku yaalo magaalada Qaahira.
Waxaanu ka qaadanay Go,aankii maxkamad ay ninkii i kufsaday dinbi la,aan kaga dhigtay racfaan mana laga yaabo in aan rumeysto in ay maxkamada sare ayidana dinbi la,aan ka dhigto ninkii i kufsaday si markaasi gabadheyda ay u noqoto aabe la,aan.'
Ismaaciil Saxaaf saxaaf@hotmail.com

No comments: