
Waayahaan dambe Waxaa soo ifbaxaayay aalado kala duwan oo Internetka ah oo ay Soomalida ka wada sheekeystaan iyadoo siyaabo kala duwan loo adeegsado, Hadaba Paltalk oo ay dhalinta soomalidu sida aadka ugu waalantahay isticmaalkiisa ayaa waxaan halkaan idinkugu soo bandhigayaa sheeko qadka taleefanka dhexmareyso wiil iyo abahiis oo lagu kala magacaabo Xaaji Cabdule oo jooga Muqdisho iyo Wiilkiisa Cali oo jooga magaalada Qaahira ee Dalka Masar .
Xaaji CABDULE: Hello …Haye Cali ii waran aabe ma fiicantahay
CALI: Haa…Aabe waan fiicanahay adiga iyo cida caafimaadkiina ka waran
Xaaji CABDULE :Waan fiicanahay ee ii waran wax barashadii ka waran jaamacadii ma wadaa
CALI: Haa…Aabe waan fiicanahay adiga iyo cida caafimaadkiina ka waran
Xaaji CABDULE :Waan fiicanahay ee ii waran wax barashadii ka waran jaamacadii ma wadaa
CALI: Aabe jaamacadii waa iska dhaafay waxaan bartaa paltalk
Xaaji CABDULE: Baartook xow yahay maandhow jaamacada muu ka fiicanyahay
CALI : Aabe partook maahee waa paltalk waa meel lugu wada sheekeesto oo leesku barto
Xaaji CABDULE : Waryaa i dhegeyso aniga sheeko masar kuuguma dirsan ee waxaan kuu dirsaday in aad jaamacad iiga soo baxdo aniga hadii aan fadhi ku dirir rabo xamar aad ii joogi laheed ee waxaad sheegeyso xey yahiin
CALI: Aabe aniga jaamacada waan dhiganaayay lakiin ayaan hore Markey ciidamada xabashida wadanka soo galeen oo biilkii ii soo diri weysay aa wiilkoo saxiibkey ah I baray paltalkaan waxaa laga bartaa naago single mother ah oo lacag kusoo diraayo ayaanta aadan biilka isoo dirin ayiga ayaan ku mooday
Xaaji CABDULE: Aniga waa runtaa waan shiiday maalmahaan xabashida sidey wadanka usoo gashay shaqo dhan maba jirto dadkii dhamaa aa shiiday lakiin kuma moogeen ee xaad tiri single father xaa la dhahaa waa yaabe
CALI : Aabe single fatherr maahan waa single mother macnaha waa naago ilmo lugu furay oo rabo wiilal dhalinyaro ah oo Africa joogo nimankoodii ay meesha isla joogeen waa is fahmi waayeen boorsada ey banaanka u dhigeen aniga hadii midoo aan bartay hal cunug leh ayida aa I biil jirtay bilahaan
Xaaji CABDULE : Yaah waxaas maa wax la sheegaa naag aa I biileysaa aa naago meeshaan eey buuxaan gabadhihii adeerkaa iyo kuwii abtigaa oo dhan aa joogo xaa kuu geeyay naag garoob ah hadane cunugleh anaa kuu soo diraayo ee mid ka dooro gabadhaha abtigaa dhalay ama kuwa adeerkaa dhalay
CALI: Aabe I fahan naagahaan waa kuwa wax fahmaayo maahan sidii kuwa somaliya joogo biilna waan ku heestaa qajajac ha iga gelin hadii xabashida wadanka ka baxdo oo xalaaladaad isku toosto markaas aan ka wada hadeynaa sidaan ka yeelaayo
Xaaji CABDULE : I maqal CALI warkaas wax socooyo maahan jaamacada hadii adan dhigeyn somaliya aan kusoo celaa xarar yaale aan ku geynaa single mother iyo jini ma aqaano aniga in aad wax ii barato aan kugu diray masar waxaan rabay in aad noqoto wasiir markaad jaamacada kasoo baxdo.
CALI :Aabe xamar ha ii celin jaamacada waan ku laabaa qoftaan hadii Yurub ii wado waaba ka fiican intii kasokaana waana isku wadaa labadaba
Xaaji CABDULE: Horta mid kaa yeeli mayo ogow naag baartool iyo meel jini laga bartay kaa yeeli mayo in aad guursato lakiin hadii ay Yurub ku geyso markaas waxaan kuu soo diraa gabarta adeerkaa dhalay hadane jaamacada ku laabo
CALI: Waayahay aabe naagahaan ayigaaba aheen kuwa meel wax geynaayo waa naago Yurub niman ka waayay waxey rabaan kaliya ina Africa kugu heestaan hadii kale markaad Yurub tagto waxey ka baqayaan in aad ku boodo ama filinkooda dhan fahanto lakiin inta xaaladaada xuntahay oo aad shiidka tahay aan kusii moodaa
Xaaji CABDULE: Haye aabe telefoonka waan ku dheeraaday shiidka xabashida keeneena waad ogtahay kheeraan kuu rejeynaa ee iska dadaal ee nabadeY
CALI: Waayahay aabe waan dadaalaa waxa dhana waan isku wedaa ee Nabadey
No comments:
Post a Comment