Thursday, October 30, 2008

GABAR UU DHALAY CABDULLAAHI YUSUF OO JACEYL ADAG U QAADAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU MANSUUR.

Warar xog ogaal ah oo aan ka helay ilo ku dhow dhow qoyska madaxwyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaayo in ay mid ka mid ah gabadhaha uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ay jaceyl aad ula il darantahay ay u qaaday kana heshay hogaamiyaha duur jooga ah ee Ururka Al-shabaab ahna afayaheenkooda Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Ruubow

Gabadhan Jaceylka sida aadka ah ula il daran ayaa waxey sheegtay in ay ku jeclaatay wadaadkan qaabka uu go'aanka u qaaato iyo geesinimadiisa waxayna sheegtay in ay aad ula socotay Abuu Mansuur tan iyo markii uu Maxkamadaha kusoo biiray waxayna intaaas raacisay in uu wadaadku yahay mid haneed qurxoon kaasoo dabooli karo baahideeda ay u qabto lamaane caashaqa oo hana kara qalbigeeda waxayna sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Abuu Mansuur kula noolaato Juqda iyo rasaasta hoosteeda ayna sidoo diyaar u tahay in ay ka garab dagaalami doonto haddii uu ogaalado jaceylka aan shaqada ku laheen khilaafka ka dhex jira asiga iyo aabaheeda

Gabadhaan oo ku nool dalka Canada oo ah gabar wax ka barata Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka Canada ayaa waxay suratay sawir weyn oo uu leeyahay Abuu Mansuur qolka ay jiifato waxayna u sheegtay ehelkeeda in aysan sii wadi karin waxbarashada haddii aysan helin qofka ay jeceshahay Waxayna qoyskeeda ka codsatay in ay wax walbo u sameyaan sidii ay ku heli laheed nin ay jaceylka adag u qaaday, Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed ayidoo haddii ay dhacdo in uu arko midba midka kale ay xabaddu ka dhaxeyso waxaana intaas sii dheer in uu Abuu Mansuur aaminsan yahay gabadhaan aabaheed in uu yahay Mujrim.

Qaar ka mid ah qoyska Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay ka codsadeen gabadhaan inay iska hilmaamto sheekadaan maadaama haddii lagu maqlo arinkan ay sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada qoorta ka jaro maamadama uusan Cabdulaahi Yuusuf aqbali doonin in ay gabadhiisa jeclaato ragga uu adduunka ugu neceb yahay ayigoo sheegay in ay wax ka qaban kari lahaayeen haddii uu ahaan lahaa qofka ay jeceshahay Sheekh Shariif maadama uu yahay nin qunyar socod ah lana heshiiyay Cabdulaahi Yuusuf waxayna ka codsadeen in ay ka fogaato ragga Al-shabaab ah maadama ay ku yihiin cadow maamulka Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa noqtay arin ka yaabisay Soomaalida ku nool dalka Canada waxeyna dad badani ay sheegeen in haddii gabadha Cabdulaahi Yuusuf ay guursato Jaceelkeeda Abuu Mansuur laga yaabo raggaan is neceb in ay gabaru isu soo dhaweyso oo ay xidid noqdaan arintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad Soomaaliya halka dadka qaarkiisna ay sheegeen in aysan rajo ka qabin in ay is helaan mucaashaqiintaan ayigoo sabab uga dhigay Abuu Mansuur in uu yahay nin kasoo jeedo marka hore qabiil aysan guursan beesha Cabdulaahi Yuusuf hadane uu yahay shaqsi wanted ah oo adduunka dhan uu raadsanaayo

Dagaalka gal ama iska ilow gabadheyda :- Qiso yaab leh oo ka dhacday Xamar

Qiso La yaableh ayaa waxey ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Xamar Jadiid, Kadib Markii wiil lugu Magacaabo Maxamed Cumar uu ka doontay waalidkeed gabar lugu magacaabo Samiiro Axmed oo ay in mudo ah is jeclaayeen uuna Abaheed ku xiray in uu ka qeyb qaato dagaalada Muqdisho islamarkaana ka garab dagaalamo Kooxaha kasoo horjeeda dowlada iyo kooxda mintindka ah ee Al-shabaab.

Aabaha Gabadha dhalay oo ka mid ahaa tageerayaasha Kooxaha ka dagaalama Muqdisho iyo Al-shabaab ayaa waxuu ku xiray wiilkii gabadhiisa soo doontay In uu Ka qeyb qaato dagaalada ka socda Muqdisho hadii uu rabo in uu gabadhiisa guursado.

Wiilka gabadha soo doontay oo ka mid ahaa ciyaalka xaafada, wiligiisna Qori Qaadin ayaa arintaan la yaab ku noqotay, waxuuna halmar lasoo booday isagoo u jawaabaya duqa dhalay gabadha "Adeer waxaan rabaa in an gabadhaada guursado, ee marabo in aan dhinto oon nafteyda ku khamaaro"

Lakiin aabaha gabadha dhalay ayaa hadalkiisii ku adkeystay, wuxuuna u sheegey wiilka in uusan siin doonin gabadhiisa nin aanan ka tirsaneyn kooxaha ka dagaalama Muqdisho ama kooxda Al-Shabaab.

Labadii isjecleyd ee Maxamed iyo Samiiro oo si aad ah isu jeclaa ayaa wada tashi kadib waxa ey go`aan ku gaareen in ay si hoose isu guursadaan kadibna u wada tahriibaan dalka Yaman si ay jaceelkooda ku badbaadiyaan kana doorbidaan tahriibka badda iyo saxarada qaharka ah xujada aabaha.

Dhacdadan ayaa waxey noqotay mid ka yaabisay dadka degan xaafada Xamar-Jadiid, waxeyna noqotay dhacdadan mida loogu hadal heeska badan yahay xaafadaasi.

Mintidiinta Soomaaliya iyo Is Miidaaminta(Faallo Xiiso leh)

Tan iyo markii ay Ciidamada Dowlada Ethiopia Soo galeen Dalka Somaliya Gaar ahaan Magaalada Moqdisho, Waxaa magaalada Moqdisho Ka bilowday Wax aan Somalidu Hore u Arkin,

waxaa La Arkay In shaqsi Somali ah Inta Bam isku Xiro in uu Dad Masaakiin ah Isku Dhex Qarxiyo oo Ay Ku dhintaan Boqolaal Qof oo Aan Ku Tala Gelin In ay Sidaas Xanuunka Badan u Dhintaan, Una Soo Baxay In ay Noolaadaan, Gaalada Wey Is Dilaan Markii Ay Dhib Ku Noqoto Nolosha Aduunyada Lakiin Dad Kale Naftooda Kuma Ciyaaraan Sida Ka Dhaceyso Dalal Badan oo Dunida Islaamka Ku Yaalo oo Ay Somaliya Ka Mid Tahay.

Dadka IS Qarxinaayo Waxey Sheegtaan ama ay ku Andacoodaan in Ay dagaal Kula Jiraan Gumeysi waxeyna Aaminsanyahiin Ama Laga Dhaadhiciyay in Is Qarxisku Jihaad Yahay, Wiligeed Gumeysi Waa lala Dagaalmi Jiray, Rag Geesiyaal ah ayaana Dalkeena Xuriyada u Keenay, Lakiin Qaabkaan is Qarxiska ama is miidaaminta Waa Qaab Shacabka Somaliyeed Ku Cusub aadna Uga Nixiyay.

waxaa La Hubaa Dhalinyarada IS Qarxineyso In Ay Kuwa Wadaaddo sheeganaayo Ay gadaal Ka Fadhiyaan oo Ay Intey Maskaxda ka dhaqeen Ka Dhaadhiciyaan In Janada Lugu Gelaayo Suun La Xirto Oo dad Masaakiin ah Leesku Dhex Qarxiyo, Lakiin Waxaa Is weydiin Mudan hadii Sidaas Jano Lugu Gelaayo Maxaa Leesugu Dhibaa Cibaadda ? Waxey Noqee Hadii Sidaas Jano Lugu Gelaayo In salaada Iyo Soonka Iyo waajibaad Kale Ee Qofka Muslimka Ah Looga Baahanyahay in Leeska Dhaafo, Waxey Noqee In Qof Walba Is Qarxiyo Asigoo Wax Cibaaddo ah Isku Dhibin Hadiiba Sidaas jano Lugu Gelaayo . Qofka Jaahilka ah Iyo midka Caaqilka ah Iyo Cunuga Yar Waa Garan karaa in anan sidaasi jano lugu Galeyn, Ilaah Waxuu iNoo Abuuray In Aanu Dhulka Camirno ma uusan inoo Abuurin in Aanu Dhulka Kharibno, Qur'aankana Kuma Arag Meel Dadka Lugu Amraayo In ay is Qarxiyaan.

Waxaa Nasiib daro ah in Qof walba Diinta Siduu Rabo U fasirto, Kuwa Dhalinyarada hada Soo baxeyso ku Amraayo In ay Naftooda Sidaas Xanuunka Badan Ku Go,aayaan, waxey Caruurtoodii Geesteen Dibaddaha Oo Ay Wax Ugu Baranayaan Sida Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Caruurtiisa Dalka Masar Wax Barasho U Geestay Kana Mid ah Shaqsiyaad Falalka Nuucaan oo Kale ah Tageera.

Taas Micnaheed Waxaa Waaye Raaxada iyo Nolosha Aduunyada Ilaah Nasiiyay Waxaan u Rabaa Dadkeyga kaliya, Lakiin dhimashada iyo Dhibaatada Waxaan La rabaa Dadka Kale, Wadaadka Geesiga ah ee Tageersan In Lees Qarxiyo ama Caruurta Ku Amraayo in ay is qarxiyaan waxaa Looga Baahanyahay in uu Asigu Dadka Uga Hor Maro Ama Caruurtiisa Ku Hormariyo Si loogu Daydo.

Nin Aqoonyahan ah oo kasoo Jeedo beelaha Laga Tirada Badan yahay Ayaa Waxuu Yiri Asigoo mar Beeshiisa La hadlaayo" beelaha Waa Weyn Ee Hawiye dalka intii Aysan Dowladi ka jirin Waxey Gumeysi Ku Heysan Jireen Beelaheena Siiba Kuwa Dega Gobalka Shabeelada Hoose oo Gabdhahooda Leeska Wada Jiray Nikaax La'aan, markii dalka Dowlada Timaadayna Waxey Caruurteena u Dhiibaan Suun Qarxaayo waxeyna ku Amraan In ay Is Qarxiyaan, Waxaan la yaabanahay Guurmey beelahaan Hawiye Ku Abtirsada Umada Dhibka ka Dhaafi doonaan"

Marka Aad Fiiriso hadalka Ninkaan Aqoonyahanka ah Waxaa kuu Muuqanaayo in hadalkiisu Run yahay, Maxaa Yeelay Dhalinyarada Is Qarxineyso Badankoodu wax ay Kasoo Jeedaan Beelaha Wiligood La Gumeysan Jiray, Waxaa anan Meesha Kaga Muuqaneyn Shaqsi Kasoo Jeedo Beelaha Kasoo Horjeedo Dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia.

Tusaale Ahaan Aadan Ceerow oo ah Madaxa Kooxaha Nolosha U Diidan Shacabka Ku Nool Magaalada Moqdisho ee Al- shabaab Ama Al-Shar Cid Walba Sidey U Taqaano, Ma anan Maqlin Waa Is Qarxiyay Ama Qof ay Qaraabo Yahiin ayaa Is Qarxiyay, Taasina Waxey Muujinee In Kuwa Aadan Ceerow la Midka ah Aysan Naftooda Dhimasho La rabin oo Ay Fulayaal yahiin Waxeyna Jacel yahiin kaliya In ay Caruurta Been U sheegaan oo Ay Maskaxda ka Dhaqaan Ama ku Qasbaan in ay is Qarxiyaan, dhaqamada Ceenkaan Oo kale ah ayaa ah Kuwa Carabta Mintidiin ah Laga Dhaxlay waana dhaqan Aad U Fool Xun oo Aad Looga Naxo Waxaana Ku Kaco Shaqsi Qalbi Naxo Aan Leheen.

Dhalinyarada Is Qarxineyso Waxaan Jeclahay In aan U sheego In ay Ogaadaan Qiimaha Naftu Ay Leedahay Waxaana Wanaagsan In la Dhowr oo Aan Lugu cayaarin waxaa sidoo kale wanaagsan in Dadka Masaakiinta ah ee Usoo Baxay In ay Shaqeestaan Oo Ay Caruurtada Biilan Anan Naftooda Lugu Cayaarin, Diinteena Islaamka ee barakeysan Meel Ay kaga Qorantahay halees Qarxiyo Majirto, Waxaan Rejeynaa in Dhalinyarada Suumanka Qarxaayo Loosoo Xiraayo Ay weydiiyaan Kuwa u xiraayo, Caruurtooda halka Ay Geesteen ? waxaan Sidoo Kale U jeedinaa Dhalinyarada Soo Baxeyso In ay Fatwada iyo arimaha Diinta Ku Saabsan ka Qaataan Wadaadda Dhex dhexaadka ah oo anan Dan gaar ah Diinta Ku Raadineyn.

Khabiir Carab ah oo Arimaha Somaliya Aad ula Socdo ayaa Waxuu Yari Markii uu Arkay Dhalinyaro Somali ah oo IS Qarxinaayo" somalidu Carabta Waxey ka Faa'iideen In Ay is Qarxiyaan Intey ka faa'iid lahaayeen Cilmiga Iyo Diinta Islaamka Waxaana sababa U ah arinkaas Manhajka jihaadiga ah ee sacuudiga laga keeno oo Somaliya inta badan Schooladeeda Laga dhigo"

IN Dalka la Difaaco Waa Mas'uuliyad Qof Walba Saaran Cidna kaligeed Dalka Iskama laha, Lakiin Waxaa Loo baahanyahay In marka Hore Cid Walba xaqeeda lasiiyo isla Markaasna anan Cidna xuriyadeeda Lugu Xad Gudbin, l Dhibaatada dadka ay Heysato Maanta ee Laga Qaxiyay Guryahoodii Waa Kuwii Boqalaal Masaakiin ah oo Ayiga La Mid ah maalin Cad ka Qaxiyay Magaalada Moqdisho iyo kuwii u sacab Tumaayay In La Qaxiyo maantana Ayiga ayaa Qax ah Taasni Cadaalada Rabi.

Ujeedka Maqaalkeygu Maahan In aan Ku Faraxsanay Dhibaatada Heysata Shacabka Ku Nool Magaalada , dad Badan ayaa Waxey Maqaalkeyga U Qaadan doonan In aan Ku faraxsanahay dhiibaatada heysata shacabka ku nool magaalada moqdish, waxaan Jeclahay In aan u Sheego kuwa sidaas u fakir doona In an Ka Mid Ahay Kuwa Qaxoodu Danbeeyay, oo anan marnba ogoleen dhibaatada heysata Shacabka Moqdisho Ku Nool, Lakiin ujeedkeygu waxuu yahay in aan Muujiyo Khaladka Meesha uu ka jiro, Waxaa ILaah Shacabka Somaliyeed Ku Saliday Gumeysi Aan Dadka kala Sooceeyn Kadib markii Somalida dhex dhexdeeda Qolaba qoladey Ka Xoog Badantahay Gumeysatay, In Somalida Gumeysi Wada Simo Waxaa Keenay Cadaalada Alaah(SWT)Waxaana Wanaagsan in Asiga Loo Wada laabto Dulmigana Leeska Dhaafo Lana Dhowr Qof walbo Xaq ay u leedahay in ay Noolaato ayidoo Xur ah Si Dhibaatada Looga Baxo oo aanu u Helno Nidaam dimuquraadi ah oo Ku dhisan Cadaaladd

SHEEKO SIYAASADEED ABUU MANSUUR VS BIN LADEN

Marxaba: Abuu Mansuur

Marxaba: Bin Laden

Abuu Mansuur: Aslaamu caleykum Sheekha iyo Amiirka Umadda Islaamka Sheekh Usaama Bin Laden

Bin Laden: Wacaleykumu Salaaam Sheekh Abii Mansuur Al Soomali, Marka hore waxaan kaga Tacsiyadeynaa Geeridii geesigiinii Mujaahidka Ahaa Sheekh Ceerow Marka labaad Jihaadka Soomaaliya ka waran?

Abuu Mansuur: Sheekheena Marka hore waxaa ku wada Salaamaayo Mujaahidiin Soomaaliyeed Dhamaantoon Gaar ahaaan Mujaahidiinta Al-Shabaab Ee Nolosha Kasoo horjeedo Waxaan kaa sugeynay canjalad aad ugu Tacsideyneyso Mujaahidka Aadan Ceerow Marka Labaad Hadii aan kaga Warbixiyo Jihaadka Soomaaliya Meeshii ugu fiicneed uu maraaaa mujaahidiinta dhulal badan ayey qabsadeen waxey Gaari rabaan aqalka cad(White House) oo ay gaalka weyn Bush ka xurey rabaan

Bin Laden: Hahahah Masha'allah Masha'allah Sheekh Abii Mansuur Aniga Jaanis aan Canjalad kusoo Duubo Mareykan aan ka waayay Canjalanadana waxaan u Dubaa Raga aan Aqoonsiga Rasmiga ah siiyo kumana jiraan Mujaahidiin Africa ee kuwa Carabta Kaliya, Lakiin aqalka cad miyaaba usoo dhawaateen orod badinadiinaa waaba idinka yaabee, anigoo jihaadka bilaabay mar hore aaba Buuraha Afganistan ee Tuura Buura Dhaafi waayay

Abuu Mansuur: Sheekhana Anaga Gabre iyo Males Tabar waan u waayay Marka waxaan u fikirnay intaan Kuwaan isku mashquuli laheen oo Soomaaliya Itoobiyaanka ka xureyn laheen in aan ka xureyno Aqalka cad Bush gaalka weyn.

Bin Laden: Masha'allah Masha'allah waa fiicantahay Hadiiba Niyadaas fiican aad leedahay lakiin males zanaawi waaba aqaan gaalka bidaarta weyn ee Kan kale ee Magac qaabta Daran maxuu Ahaa.

Abuu Mansuur: Sheekhana Waa Amiirka Ciidamada Xabashida Ee Soomaliya ee aan jihaadka kula jirno lakiin Waxaan Kaa Codsaa in aad ii magacawdo Amiirka Al Qaacida ee Bariga Africa waad aragtay dadaalka aan wado

Bin laden : Sheekh Abii Mansuur Maya Maya Maya waan ka xumahay adiga maluguu magacaabi karo Hogaamiyaha Al-Qaacida inkastoo tahay nin fiican hadane ma tahid Nin kasoo jeedo Qabiil Fowdada jacel oo Dowladnimada Naceb sidii sheekheenii Aadan Ceerow wadaadkaas Allaha u naxariistee aad ayaa mareykanaka ugu cabsan jireen si daacad ah ayuuna u fulin jiray howlaheena Al-Qaacidana Dadkaas ayey jeceshahay.

Abuu Mansuur: Akhii Sheekh OSama Aniga iyo Sheekh Adan Cerow isku Mid aan nahay aadna waan kuu jeclahay waad aragtay xitaa Qaabkaad u lebisto aan u lebistaa waxaan u maleyana Al-jazeera waa iga aragtay

Bin Ladin: Sheekh Abuu Mansuur Haaadaa Mush Kaafi Yaa Akhii Aniga Al-jazeera Ma Fiirsan Maalmahaan waxaa laga yaabaa maalinta lagaa soo deynaayay in mareykan Gentaalo igu garaacaayay Lebisna Lama rabo waxaa la rabaa in aad la timaado Qaab dagaaleed Si aan kuu Aqoonsano Mathalan Zarqaawi Dadka uu qoorta ka jari jiray

Abuu Mansuur: Sheekh Osma Aniga waxaan Soomaaliya kusoo kordhiyay Qaab Dagaal Cusub Dadka Aan No Numbar kasoo wacaaa waxaan dhahaa waan idin dilaa ee ilmahiina macasalaameya Hadii ilama u joogaan kuwa shaqaalahan ahna waxaan dhahaa shaqadiina ka taga hadii kalae waa idin dilaa kuwa saxafiyiinta waxaan Dhahaa hadii aadan sheegin Al-shabaab waxey rabaan waan idin Dilaa Dadka dhan Cabsi aan ku abuuray ilamaha aa la igu hurdisiiyaa Geesi Qatar aan ahay Waxaan keenay miinada Mobileka laga Qarxinaayo, waxaan keenay shir jaraa'id oo hawada loogu qabanaayo idaacadaha oo caalamka laga aqoonin dadkana hawadaan ka cabsiiyaa aniga Sidii Adiga xitaa Canjal ma adeegsado Khidadaas waan bedelay .

Bin Laden: Sheekh Abuu Mansuur dadka in la cabsiiyo intaan la dilin sida filimada Cabsida Mareykanka waxaa Keenay Sheekh Aadan Ceerow oo aan inta ku baray adiga waan kaa hilmaamnay Markii uu dhintay miyaad sheegeysaa Sheekh waxaas ma fiicna

Abuu Mansuur: Sheekh Osama Hada Hadii aan Masaakiinta iyo Askarta Somalida Qoorta Ka jaro ma ii magacaabee Amiirka Al Qaacida ee Bariga Africa koley la igama xego marnaan hadaan howlo muhim ahna kuu fuliyay?

Bin Laden: Sheekh Abii Mansuur waan kuu Sheegay waxaas waa lagaga Horeeyay wax kale keen Markaas aaan fikiraa Jagadaan kuu magacaabaayo Igana raali Noqo Mobileka dabkiisa waa iga dhici rabaa Bitiri kalane Tuura Buura Laga heli Maayo Hal xabo aa naga wada dhaxeeyo aniga iyo Thawaahiri waxaan rabaa in aan kula Hadlo Sheekh Ayman El Thawaahiri ee Salaamu Caleykum Iguna Salaan Mujaahidiinta Al-shabaab.

Abuu Mansuur: Wacaleykumu Salaam Anigana igu Salaan Mujaahid Ayman Al-Thawaahiri iyo asxaabta Tuura Buura

Haweeney Masaari ah oo Codsatay in Ninkeeda laga furo Shiir daraadiisa.

Haweeney Masaari ah ayaa waxey ka codsatay Maxkamada Arimaha Qoyska oo ku Taalo Xaafada Masra Gadiida ee Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar in Ninkeeda laga Furo Kadib Markii ah kaga Cabaaday Shiir Xad Dhaaf ah kaas oo ay awoodi weysay in ay kula noolaato ninkeeda.

Haweeyneyadaan ayaa waxey u sheegay Qaaliga maxkamada Arimaha Qoyska in ay ka codsatay ninkeeda dhowr Mar in uu jirkiisa Nadiifiyo Waxeyna intaas ku Dartay in ay xitaa jeebkeeda uga soo gaday Shaambo iyo Saabuun iyo wax yaabaha kale ee jirka lugu carfiyo lakiin waxey sheegtay in uu ninkeeda ku gacan seeyray.

Haweeynaadan ayaa waxay qaaliga u caddeysay in ay u adadkeysan karin xaajigeeda shiirkiisa waxeyna u sheegtay qaaliga in aysan wadaagi karin jiif ay wada jiiftaan shiir daraadiis isla markaana ay codsatay in laga Furo ninkaan maadama ay ku adkaatay in ay nolosha la qeybsato taasoo keentay in ugu danbeyntii qaaliga Maxkamadaha Arimaha Qoyska ee Magaalada Qaahiro uu amar ku bixiyo in laga dalaaqo haweeneydaan ninkeeda Maadama jirkiisa uu nadiifin waayay.

Dhacdadan ayaa waxey noqotay arinta ugu hadal heynta badan Magaalada Qaahiro ayidoo Qanuunka Arimaha Qoyska ee looga dhaqmo Dalka Masar uu xaq u siinayo Dumarka in ay Nimankooda iska furi karaan hadii ay la noolaan waayaaan.

Haweeney Soomaali ah oo aan dhacdadan kadib wax ka weydiinay arintaan sida ay u aragto ayaa waxey hadalkeeda kusoo koobtay ' waxaan ku heysanaa nimankeena wax Shiir ka xun lakiin Goormaa arki Doonaa Dumarka Soomaaliyeed oo Sidaan xaquuqooda u helaayo iyo Dowlad Cadaalad ah oo xaqooda usoo Dhaciso".

MARXUUM MAXAMED XASAN CALI DHIILOW MAXUU GALABSADAY ?

Maxamed Xasan Cali Dhiilow Waxuu ahaa Nin Iska Ganacsado Waxuu ahaa Shaqsi Jacel In uu Horumariyo Reerkiisa Ma uusan Aheen Nin dagaal Ku jiro Lakiin Si Gar-Daro ah oo Bini aadanimada ka Baxasan Waxaa Maalin Cad Dulmaray Gaari Ural ay Ciidamada Gumeysigu Wataan Asigoo Shaqadiisa U socdo Waxey La mid Ka dhigeen Dhulka Asiga Iyo Mootadii Uu Saarnaa.

Maxamed Xasan Cali ma ahan Qofkii Ugu Horeeyay ee Ay Ciidamadda Gumeysigu Dilaan Waxey DIleen Dad Badan Waxey Dumiyeen Gurya Badan Waxey Ragoodii Ka dileen Haween badan Waxey rag badan ka dileen Haweenkoodii Waxey Caruur Badan Ka Dhigeen Agoon Waxey Dad Badan ka dhigeen Qaxooti Waxeyna Ku jiraan Xerooyin ay Waxey Cunaan Xitaa Ku Heysan Anigoo Intaas La Xanuunsanaayay Hadane Dhimashada Maxamed Xasan Cali Waxey iiga Duwaneed Dhibaatooyiinka aan hore Kusoo sheegay maxaa yeeley Si Toos ah ayey ii Taabaneysay Waxuu ahaa Maxamed Xasan Cali Wiil uu Dhalay Abtigey Waxuu ahaa Wiil Aan Guri kuSoo Wada bar-baarnay Waxuu Ahaa Shaqsi aan Jeclaa Waxeyna Igu Aheed Markii Aan Maqlay Dilkiisa Arin Xanuun Badan, Ayidoo Dhimashadu Xanuun badan tahay Hadane Waxaan Qaadan kari waayay Sida Foosha Xun ee Gumeysigu U dilay Waxey Muujinee Cadowtinimada Calooshooda Ku Jirta .

Anigu waxaan Ahay Shaqsi Nolosha iyo Nabada Jacel lakiin Markii Shaqsi Aan jeclahay laamiga gaari Lugu marsiiyay ee Looga Tegay Waxaan Diyaar U ahaa Hadii la dhihi Lahaa saacadaas Suunkaan Qaado ee Is Qarxi in aan isisoo Qarxiyo, Markii Hore waxaan la yaabi Jiray In Qof Bini aadam ah IS Qarxiyo lakiin Waxaa Ogaaday Qofku Markii uu Xanuunsado Saacadahaas in uu Wax Walba Sameyn karo.

Ayidoo Gumeysi Oo Idil Xun Yahay Hadane Gumeysiga Xabashida Waxaad Moodaa In Ay Yahay Mid aan Cidna Ka Amar Qaadan Waana Ka Xunyahay Gumeysiyadii Hore Kuwii Hore Waxna Waa Laga Faa'iidi Jiray Waxna Waa Lugu Qasaari Jiray Lakiin Midka Hada Dalkeen Hooyo Dad Waxma Garato ah Gacanta u Geliyeen majiro Wax laga Faa'iidaayo Cidii Aan Hada Ogeyna Waxey Ogaan Doontaa Maalin uun Hadii Aduunyo Lasii joogo waxaan Rabaa in aan Weydiiyo Kuwa Gumeysiga Difaacaayo In Ay Inoo SHeegaan Maxaa Laga Faa'iiday hadii Ay jiraan Wax Laga Faa'iiday Misa Waxey Faa'iido U Yaqaanaan In Maalin Cad Qof Somali ah Oo aan Waxba galabsan Laamiga Ural Lugu Marsiiyo? Misa Waxey Faa'iido U yaqaaniin In Haweenka Somalida Cudurka uu Aduunku La diriraayo Aidska La Qaadsiiyo? Nin Aad looga Yaqaano Gudaha Somaliya Lak Ayaa Waxuu Yiri ASigoo Khudbeynaayo Yiri"Gumeysiga Na Heesto Waa Mid Caruurta caanaha Ka Cunaayo"

Markaad Fiiriso Dhibaada Ay Yahuuda Ku Heyso Shacabka Reer Falastiin Iyo Xabashida Dhibaada ay Ku Heyso Shacabka Somalida Waxaa Kusoo baxeyso In Cadowga Islaamka Mid Yahay Lakiin Midna Cad Yahay Mida Madow ayahay Waxaa Nasiib Daro ah In Aad Aragto Nin Somali ah oo Ku dhahaayo Xabashidu Dalkeena waxey u Timaaday In ay Nabadeyso Asigoo U jeedo Dhibaatooyinka aan u Wada Jeedno.

Waxaa maanta Nasiib Daro ah Dal intaas oo Tacdiyo ah Ka dhacayaan In Ay Jiraan Dad Sheeganaayo In Ay Mas'uuliyiin u Yahiin Shacabkaas Lakiin Aan Waxna ka Qaba Karin Waxaa Ayidana La Yaableh In Duniwada Sheeganeyso in ay Dhowraan Xaquuqul insaanka iyo Xuriyada Guud in Ayigana ay Dhibaatada Shacabka Somaliyeed Daawanayaan Waxaad Moodaa In uu Caalamka Dhan Noday Meel bahalo ku Noolyahiin oo Aan Sharci Ka jirin.

Ugu Danbeytii Waxaan cambaareyn Dusha Ugu Tuuraa Dhamaan Falalka Foosha Xun ee Gumeysigu U geestay Shacabka Somaliyeed, Waxaana Shaki Ku Jirin In Laga Bixi Doono Lakiin Waxaana Qasab ah Si Looga Baxo dhibaatada In shacabka Somaliyeed Isku Duubmo Waxaana Ilaah Ugu Baryaa In uu Maxamed Xasan Cali Dhiilow Geliyo Janatul fardowsa.

NB: Maqaalkaan ayaa ah mid aan u Hibeeyay Marxuumka