Thursday, October 30, 2008

Haweeney Masaari ah oo Codsatay in Ninkeeda laga furo Shiir daraadiisa.

Haweeney Masaari ah ayaa waxey ka codsatay Maxkamada Arimaha Qoyska oo ku Taalo Xaafada Masra Gadiida ee Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar in Ninkeeda laga Furo Kadib Markii ah kaga Cabaaday Shiir Xad Dhaaf ah kaas oo ay awoodi weysay in ay kula noolaato ninkeeda.

Haweeyneyadaan ayaa waxey u sheegay Qaaliga maxkamada Arimaha Qoyska in ay ka codsatay ninkeeda dhowr Mar in uu jirkiisa Nadiifiyo Waxeyna intaas ku Dartay in ay xitaa jeebkeeda uga soo gaday Shaambo iyo Saabuun iyo wax yaabaha kale ee jirka lugu carfiyo lakiin waxey sheegtay in uu ninkeeda ku gacan seeyray.

Haweeynaadan ayaa waxay qaaliga u caddeysay in ay u adadkeysan karin xaajigeeda shiirkiisa waxeyna u sheegtay qaaliga in aysan wadaagi karin jiif ay wada jiiftaan shiir daraadiis isla markaana ay codsatay in laga Furo ninkaan maadama ay ku adkaatay in ay nolosha la qeybsato taasoo keentay in ugu danbeyntii qaaliga Maxkamadaha Arimaha Qoyska ee Magaalada Qaahiro uu amar ku bixiyo in laga dalaaqo haweeneydaan ninkeeda Maadama jirkiisa uu nadiifin waayay.

Dhacdadan ayaa waxey noqotay arinta ugu hadal heynta badan Magaalada Qaahiro ayidoo Qanuunka Arimaha Qoyska ee looga dhaqmo Dalka Masar uu xaq u siinayo Dumarka in ay Nimankooda iska furi karaan hadii ay la noolaan waayaaan.

Haweeney Soomaali ah oo aan dhacdadan kadib wax ka weydiinay arintaan sida ay u aragto ayaa waxey hadalkeeda kusoo koobtay ' waxaan ku heysanaa nimankeena wax Shiir ka xun lakiin Goormaa arki Doonaa Dumarka Soomaaliyeed oo Sidaan xaquuqooda u helaayo iyo Dowlad Cadaalad ah oo xaqooda usoo Dhaciso".

No comments: