Tuesday, October 30, 2007

ISLAAMIYIINTA SOMALIYA IYO IS MIIDAAMINTA

Tan iyo markii ay Ciidamada Dowlada Ethiopia Soo galeen Dalka Somaliya Gaar ahaan Magaalada Moqdisho, Waxaa magaalada Moqdisho Ka bilowday Wax aan Somalidu Hore u Arkin, waxaa La Arkay In shaqsi Somali ah Inta Bam isku Xiro in uu Dad Masaakiin ah Isku Dhex Qarxiyo oo Ay Ku dhintaan Boqolaal Qof oo Aan Ku Tala Gelin In ay Sidaas Xanuunka Badan u Dhintaan, Una Soo Baxay In ay Noolaadaan, Gaalada Wey Is Dilaan Markii Ay Dhib Ku Noqoto Nolosha Aduunyada Lakiin Dad Kale Naftooda Kuma Ciyaaraan Sida Ka Dhaceyso Dalal Badan oo Dunida Islaamka Ku Yaalo oo Ay Somaliya Ka Mid Tahay.

Dadka IS Qarxinaayo Waxey Sheegtaan ama ay ku Andacoodaan in Ay dagaal Kula Jiraan Gumeysi waxeyna Aaminsanyahiin Ama Laga Dhaadhiciyay in Is Qarxisku Jihaad Yahay, Wiligeed Gumeysi Waa lala Dagaalmi Jiray, Rag Geesiyaal ah ayaana Dalkeena Xuriyada u Keenay, Lakiin Qaabkaan is Qarxiska ama is miidaaminta Waa Qaab Shacabka Somaliyeed Ku Cusub aadna Uga Nixiyay.

waxaa La Hubaa Dhalinyarada IS Qarxineyso In Ay Kuwa Wadaaddo sheeganaayo Ay gadaal Ka Fadhiyaan oo Ay Intey Maskaxda ka dhaqeen Ka Dhaadhiciyaan In Janada Lugu Gelaayo Suun La Xirto Oo dad Masaakiin ah Leesku Dhex Qarxiyo, Lakiin Waxaa Is weydiin Mudan hadii Sidaas Jano Lugu Gelaayo Maxaa Leesugu Dhibaa Cibaadda ? Waxey Noqee Hadii Sidaas Jano Lugu Gelaayo In salaada Iyo Soonka Iyo waajibaad Kale Ee Qofka Muslimka Ah Looga Baahanyahay in Leeska Dhaafo, Waxey Noqee In Qof Walba Is Qarxiyo Asigoo Wax Cibaaddo ah Isku Dhibin Hadiiba Sidaas jano Lugu Gelaayo . Qofka Jaahilka ah Iyo midka Caaqilka ah Iyo Cunuga Yar Waa Garan karaa in anan sidaasi jano lugu Galeyn, Ilaah Waxuu iNoo Abuuray In Aanu Dhulka Camirno ma uusan inoo Abuurin in Aanu Dhulka Kharibno, Qur'aankana Kuma Arag Meel Dadka Lugu Amraayo In ay is Qarxiyaan.

Waxaa Nasiib daro ah in Qof walba Diinta Siduu Rabo U fasirto, Kuwa Dhalinyarada hada Soo baxeyso ku Amraayo In ay Naftooda Sidaas Xanuunka Badan Ku Go,aayaan, waxey Caruurtoodii Geesteen Dibaddaha Oo Ay Wax Ugu Baranayaan Sida Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Caruurtiisa Dalka Masar Wax Barasho U Geestay Kana Mid ah Shaqsiyaad Falalka Nuucaan oo Kale ah Tageera.

Taas Micnaheed Waxaa Waaye Raaxada iyo Nolosha Aduunyada Ilaah Nasiiyay Waxaan u Rabaa Dadkeyga kaliya, Lakiin dhimashada iyo Dhibaatada Waxaan La rabaa Dadka Kale, Wadaadka Geesiga ah ee Tageersan In Lees Qarxiyo ama Caruurta Ku Amraayo in ay is qarxiyaan waxaa Looga Baahanyahay in uu Asigu Dadka Uga Hor Maro Ama Caruurtiisa Ku Hormariyo Si loogu Daydo.

Nin Aqoonyahan ah oo kasoo Jeedo beelaha Laga Tirada Badan yahay Ayaa Waxuu Yiri Asigoo mar Beeshiisa La hadlaayo" beelaha Waa Weyn Ee Hawiye dalka intii Aysan Dowladi ka jirin Waxey Gumeysi Ku Heysan Jireen Beelaheena Siiba Kuwa Dega Gobalka Shabeelada Hoose oo Gabdhahooda Leeska Wada Jiray Nikaax La'aan, markii dalka Dowlada Timaadayna Waxey Caruurteena u Dhiibaan Suun Qarxaayo waxeyna ku Amraan In ay Is Qarxiyaan, Waxaan la yaabanahay Guurmey beelahaan Hawiye Ku Abtirsada Umada Dhibka ka Dhaafi doonaan"

Marka Aad Fiiriso hadalka Ninkaan Aqoonyahanka ah Waxaa kuu Muuqanaayo in hadalkiisu Run yahay, Maxaa Yeelay Dhalinyarada Is Qarxineyso Badankoodu wax ay Kasoo Jeedaan Beelaha Wiligood La Gumeysan Jiray, Waxaa anan Meesha Kaga Muuqaneyn Shaqsi Kasoo Jeedo Beelaha Kasoo Horjeedo Dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia.

Tusaale Ahaan Aadan Ceerow oo ah Madaxa Kooxaha Nolosha U Diidan Shacabka Ku Nool Magaalada Moqdisho ee Al- shabaab Ama Al-Shar Cid Walba Sidey U Taqaano, Ma anan Maqlin Waa Is Qarxiyay Ama Qof ay Qaraabo Yahiin ayaa Is Qarxiyay, Taasina Waxey Muujinee In Kuwa Aadan Ceerow la Midka ah Aysan Naftooda Dhimasho La rabin oo Ay Fulayaal yahiin Waxeyna Jacel yahiin kaliya In ay Caruurta Been U sheegaan oo Ay Maskaxda ka Dhaqaan Ama ku Qasbaan in ay is Qarxiyaan, dhaqamada Ceenkaan Oo kale ah ayaa ah Kuwa Carabta Mintidiin ah Laga Dhaxlay waana dhaqan Aad U Fool Xun oo Aad Looga Naxo Waxaana Ku Kaco Shaqsi Qalbi Naxo Aan Leheen.

Dhalinyarada Is Qarxineyso Waxaan Jeclahay In aan U sheego In ay Ogaadaan Qiimaha Naftu Ay Leedahay Waxaana Wanaagsan In la Dhowr oo Aan Lugu cayaarin waxaa sidoo kale wanaagsan in Dadka Masaakiinta ah ee Usoo Baxay In ay Shaqeestaan Oo Ay Caruurtada Biilan Anan Naftooda Lugu Cayaarin, Diinteena Islaamka ee barakeysan Meel Ay kaga Qorantahay halees Qarxiyo Majirto, Waxaan Rejeynaa in Dhalinyarada Suumanka Qarxaayo Loosoo Xiraayo Ay weydiiyaan Kuwa u xiraayo, Caruurtooda halka Ay Geesteen ? waxaan Sidoo Kale U jeedinaa Dhalinyarada Soo Baxeyso In ay Fatwada iyo arimaha Diinta Ku Saabsan ka Qaataan Wadaadda Dhex dhexaadka ah oo anan Dan gaar ah Diinta Ku Raadineyn.

Khabiir Carab ah oo Arimaha Somaliya Aad ula Socdo ayaa Waxuu Yari Markii uu Arkay Dhalinyaro Somali ah oo IS Qarxinaayo" somalidu Carabta Waxey ka Faa'iideen In Ay is Qarxiyaan Intey ka faa'iid lahaayeen Cilmiga Iyo Diinta Islaamka Waxaana sababa U ah arinkaas Manhajka jihaadiga ah ee sacuudiga laga keeno oo Somaliya inta badan Schooladeeda Laga dhigo"

IN Dalka la Difaaco Waa Mas'uuliyad Qof Walba Saaran Cidna kaligeed Dalka Iskama laha, Lakiin Waxaa Loo baahanyahay In marka Hore Cid Walba xaqeeda lasiiyo isla Markaasna anan Cidna xuriyadeeda Lugu Xad Gudbin, l Dhibaatada dadka ay Heysato Maanta ee Laga Qaxiyay Guryahoodii Waa Kuwii Boqalaal Masaakiin ah oo Ayiga La Mid ah maalin Cad ka Qaxiyay Magaalada Moqdisho iyo kuwii u sacab Tumaayay In La Qaxiyo maantana Ayiga ayaa Qax ah Taasni Cadaalada Rabi.

Ujeedka Maqaalkeygu Maahan In aan Ku Faraxsanay Dhibaatada Heysata Shacabka Ku Nool Magaalada , dad Badan ayaa Waxey Maqaalkeyga U Qaadan doonan In aan Ku faraxsanahay dhiibaatada heysata shacabka ku nool magaalada moqdish, waxaan Jeclahay In aan u Sheego kuwa sidaas u fakir doona In an Ka Mid Ahay Kuwa Qaxoodu Danbeeyay, oo anan marnba ogoleen dhibaatada heysata Shacabka Moqdisho Ku Nool, Lakiin ujeedkeygu waxuu yahay in aan Muujiyo Khaladka Meesha uu ka jiro, Waxaa ILaah Shacabka Somaliyeed Ku Saliday Gumeysi Aan Dadka kala Sooceeyn Kadib markii Somalida dhex dhexdeeda Qolaba qoladey Ka Xoog Badantahay Gumeysatay, In Somalida Gumeysi Wada Simo Waxaa Keenay Cadaalada Alaah(SWT)Waxaana Wanaagsan in Asiga Loo Wada laabto Dulmigana Leeska Dhaafo Lana Dhowr Qof walbo Xaq ay u leedahay in ay Noolaato ayidoo Xur ah Si Dhibaatada Looga Baxo oo aanu u Helno Nidaam dimuquraadi ah oo Ku dhisan Cadaaladd

Monday, October 29, 2007

Geedi Waan Casilnee Goormaan Cabdulaahi Yuusuf Casili Doonaa ?

Ra'isulwasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi Ayaa Waxaa uu Maanta Magaalada Baydhabo Kaga dhawaaqay in uu Xilka Ra'isulwasaaranimo ISka Casilay kadib markii maalmahaan Khilaaf Weyn oo Soo Kala Dhex Galay Asiga iyo Madaxweynaha Somaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Geedi Ayaa Waxuu Maalmahaan Booqosho ku Joogay Magaalada Adis ababa ee xarunta wadanka itoobiya Asigo Halkaas Kulmo Kula Yeeshay Ra'isulwasaaraha Itoobiya males Zanaawi iyo Madaxda Beesha Caalamka oo Dhamaantood Geedi ku Cadaadiyay In uu IS casilo Si Loo badbaadiyo Dowlada daciifka ah ee uu hogaamiyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Geedi ayaa waxuu Maalmahaan u Joogay Adis ababa si uu tageero Ugu Helo Males Zanaawi lakiin Ra'isulwasaaraha Itoobiya ayaa taas Ku gacanseeray Asigoo Ku Qasbay Geedi In uu IS casilo Asigoo u Sheegay Hadii uu IS Casili waayo in Inta La Xiro Maxkamada Lasoo Saari Doono Maadama uu Lunsaday lacago Fara Badan oo Loogu Tala Galay Shacabka Somaliyeed ee Baahan.

Dublumaasiyiin ku Sugan Magaalada adis aba ayaa Waxey sheegeen In Geedi safaaradaha Yurub iyo safaarada Mareykanka Ka Codsaday inta uusan Is Casilin ka hor In lasiiyo megengelyo siyaasadeed asiga iyo 12 Qoys oo beeshiisa ah iyo Shaqaalihiisa Waxaan La Sheegayaa In arikaansi laga ogolaaday.

Cali maxamed Geedi ayaa waxuu Shacabka Somaliya Kusoo Xasuusan Doonaa in uu Ciida Somaliya Soo Geliyay Xabashi Maantana Xilkii ay Ka qaaday Waxaa uu Sidoo kale Cali Maxamed geedi Dowladii Xabashidu u Dhiibtay U Bedelay Shirkad Ganacsiga Asigoo ka Shaqeeyay Sidii Uu lacag Meel u Dhigan Lahaa

Ugu danbeyntii Shacabka Somaliyeed gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta Geedi sabab u Noqday in ay Guryahooda ka baxaan ayaa Waxey Si Farxad Leh Usoo dhaweeyeen In Geedi La Casilsay Ayigoo Sheegay in ay Sugayaan Cabdulaahi Yuusuf In La Casilo Xabashidana Dalka laga Saaro.

Shacabka Somaliyeed Geedi Maxuu Kusoo Xasuusan Doonaa

Ra’isulwasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi waxuu Ka Horjeediyay Koox Barlaamanka Ka Tirsan Oo U Badan Tageerayaashiisa sacabkoodana laga dareemayay in lacag lugu soo kireeyay Khudbad Xamaasadi Ku jirtay oo aan Hore Looga Baran waxaa Khubad Geedi ka Muuqatay in uu yahay Nin galgalanaayo ama qof dhiman rabo oo u Baahan Gargaar Lakiin waxaa Loo Gargaaraa Ninkii gargaar Hormarsada

Geedi waxuu khudbadiisa Shacabka Moqdisho kaga codsay In ay Ciidamada dowlada ISka celiyaan Lakiin Uma sharaxin sida ay shacabka Moqdisho isaga Celinayaan Ciidamada dowlada Asigu ra’isulwasaare ka yahay oo laga rabay in ay shacabka Dulmiga Ka Kor qaadaan ? Waxey Mudaneed ku Geedi u sacabka beenta ah u tumaayay in ay Weydiiyaan Hadii shacabku Iska Celiyo Ciidamada Dowlada Kuwa Xabashida maxuu ku sameynaa ma shaah iyo caano ayuu u geynaa sida hada hor Codsaday maxamed dheere ? waa yaabe yaa Mudan In Lala Dagaalmo Ma Ciidamada Somalida Misa Kuwa Gumeysiga ah ee Geedi dalka Keensaday ? waxaan hubaa in shacabka ku nool magaalada Moqdisho uu Garan Karo Cida Mudan In Lala Dagaalamo oo Usan Sheegid u Baahneen.

Geedi waxuu u Muuqday nin inta Adis ababa Tegay Males usoo Tacsiyey waxuu rabayna kasoo waayay Lakiin waxey Mudneed in uu shacabka Moqdisho Ka Codsado in ay Ciidamada Xabashida la dagaalamaan Inta uu Ka Codsan Lahaa in ay La dagaalamaan ciidamada Somaliyeed .

Waxaan shaki Ku jirin In Maalmaha Geedi ay Yahiin kuwa fara Ku Tiris ah Khudbadiisana waxey U muuqatay Mid caadifad Qabiil Ku jirto lakiin Kuwa Geedi Qabiil ahaan Ula safan Doono waxaa La rabaa In ay Ogaadaan Geedi in uu Yahay Kii aragagixiso Ku Tilmaamay Caruurtoda iyo Haweenka oo ku qasbay in ay qabowga Geedaha Hoos Jiiftaan kadib Markii Amarkiisa Lugu Burburiyay Guryahoodii.

Waxaa Khaldamaayo Ninka u maleeyo Hadalka Geedi oo Tuugtanka ahaa in uu Ka Yahay Jaceel uu Qabo Tolkiisa, waxaa laga rabaa Kuwa uu ka dhashay In ay fahmaan wax Geedi Hadakaas Ka Keenaayo in ay tahay kaliya Baahi maxaa yeelay waxuu arkay in meel cidlo ah Looga Tegay waxuu aaminsanaa markii hore hadii xabashi uu heesto in uusan qabiil u baahneen lakiin xabashadii ayaa ka Xiiso Dhigtay waxeyna ka jeclaatay Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Ay Taratan Ugu Jireen Raali Gelinta Males Zanaawi.

Geedi Hadii Barlaamanka Xakuumadiisa Codka Kalsoonida Kala Noqdo waxey U Guul u tahay umada Somaliyeed oo ay Ku soo aadeen Labo Shaqsi oo Kale xun oo Manaxariisata Yaal ah.

Geedi Waxuu ku fiicnaa howsha uu soo bartay in ku shaqeeyo waxaa khalad iskalahaa ninkii shacabka somaliyeed dhakhtar xoolaad uga dhigay dhakhtar Biniadam Lakiin Barlamanka Somaliya Hadii uu shacabka Somaliyeed Geedi ka Hor wareejiyo waxuu Noqonayaa Barlaman shacabka somaliyeed kalsooni iyo ixtiraamo ka Hela inkastoo uusan soo dooran , waxuuna arinkaasi gelinayaa shacabka somaliyeed rejo ah in barlamaanku Cabdulaahi Yuusufna sidoo Kale u Casilo maalin uun maalintey noqotoba.

Dad badan ayaa aaminsan in ay mudan Cabdulaahi yuusuf in uu barlamanku Marka Hore casilo lakiin waxaan leeyahay Cabdulaahi yuusuf waxaa ay u badantahay in ilaah aduunka dhan ka casilo doono maadama caafimaadkiisa laga deyrinaayo marka waxaa wanaagsan In Geedi Laga Hor Istaago in uu Kursiga Ka Sugo Cabdulaahi Yuusuf oo uu Hogaamiyo Umada Somaliyeed Maxaa Yeelay Shacabka Somaliyeed waxuu Mudan Shaqsi Geedi wanaagsan oo danaha Umadiisa Yaqaano.

Geedi waxaan Hubaal ah in uu Tariikhda Somaliyeed Meel xun oo mugdi ah Ka Galay shacabka somaliyeedna ma cafin doono waxuu ka dhigay xakuumadii uu hogaaminaayay NGO Waxuuna Shacabka Somaliyeed kusoo xasuusan doonaa in uu dalkii iyo dadkii somaliya Gumeysi Gacan u Geliyay waxaana qasab in caruurta soo koreyso schoolada sidaas looga dhigo.

waxaana shaki ku jirin in Geedi shacabka somaliyeed maalin uun la xisaabtimo doono waxaana La hubaa in aysan Maalintaas dheeran doonin waxaan u sheegaa ninkey la dheertahay in ay Macquul tahay in xabashidu Geedi xiraan oo ilaah ku salido markaas kadibna shacabka somaliyeed gacanta usoo geliyaan si Haweenkii iyo Caruurtii uu ka qixiyay guryahooda xaqooda gacantooda uga goostaan.

Sunday, October 28, 2007

Maxamed Dheere VS Yuusuf Dabageed

YUUSUF DABAGEED: hello maxamed dheere ma I maqashaa

MAXAMED DHEERE : sifiican kuuma maqlee yaa waaye

YUUSUF DABAGEED: waa Yuusuf dabageed

MAXAMED DHEERE: xaa kugu dhacay codkaada sifiican looma maqlee

YUUSUF DABAGEED: waxaan kaa soo wacaa taar. suuqa xoolaha jowhar aan joogaa

MAXAMED DHEERE: yaa mobeelkii yaa kaa qaatay adigo mobeel heesto aan ku ogaaye

YUUSUF DABAGEED : mobeelkas waxaa iskalahaa shirkada hormuud xoogaan ku heesan jiray ayaanta hogaamiya kooxeedka ahaan jiray lakiin hada markaan shacab noqday waa iga naqsadeeen

MAXAMED DHEERE : kaliga maahan anigaba hada lacag eey iga qaadaan lakiin waan soo xoogeysan doonaa markaas aan lacag la,aan ku hadlaa, ee suuqa jowhar xaad ka qabeysay ma shaqadaadii dalaalnimo aad u laabatay

YUUSUF DABAGEED: haa xaan sameynaa hee shaqo kale malahan hiiraan waa leega qaaday waad ogeed waxaan isla soo marnay in aan juqda ku jirnay lix bilood qubees la,aan

MAXAMED DHEERE : xaad rabtaa xaa kaa haleysan shaqadaada isaga sii jir kuma qasaarin juqda ku jiritaankeeda waxaan baratay af xabashi adigoon baran soamliga sida loo qoro

YUUSUF DABAGEED: hada ebow maxamed dheerow xaad noo sameysay waxaad I dhahday waxaan la hadlaa meles zanaawi xaa kugu dhacay waan kaa war sugaayay

MAXAMED DHEERE: xaan kusoo wacaa teedii aaba Qatar ku jirtee meles zanaawina waa iga xirtay telefonka aniga xitaa gobalka waa leega qaaday lakiin maalamahaan dadka hala laayo ayaan dhahay waxaan Rabaa in maamulka ley soo celiyo hadii ley soo celiyo waan kasoo hor jeesaa

YUUSUF DABAGEED: horta xaa kugu dhacay waan yaabay adigoo idaacadaha ka leh dadka hala laayo markaan maqlay.

MAXAMED DHEERE:yaa xaan sameynaa kuwaan qofaan wax hala la,aayo dhaheyn lama joogi karto waxna uma ogola aniga hadii jowhar leega qaado intaan aaadaa waad ogtahay beerihii iyo dhulalkii aana gadan jiray markaan dhibaatoodo waa iga dhamaadeen.
Wadaaddo la gatana malahan juqda ayey wada galeen kuwa joogana Cabdulaahi yuusuf aaba iiga hormay suuqii la geyn jiray wadaadana asiga aa la wareegay. wax aan ku noolaado xitaa iima soo herin xoolaheygii dhamaa jowhar aa qabo marka waan iska sir siraa kuwaan ayigaaba sii jiri doonin hoos ayaan ka dileynaa korna waan u been guureynaa xal kale malahan

YUUSUF DABAGEED: aniga xaa leegu heestaa adiga Duqa ayaaba caysay hada ka hor oo ku tilmaamatay in uu yahay fajiiste daarood aniga maba caayin duqa waan amaani jirnay kaliya ,xaad iigu soo weydiin weysay waxaan ka haleeyay

MAXAMED DHEERE: horta beentey maaheen in uu yahay fajiiste darood adigana aniga caayay aa ku magacaabay xaan is dhaanaa isku midlee nahay adiga dalaalnimadaada isaga jir hadaan jowhar sifiican usoo dhacsado aniga aa hiiraan kuu magacaabaayo marka kale

YUUSUF DABAGEED: dalaalnimo waa nacay hogaamiyanimada macaanteeda aad I bartay xaaraan aan dhib la,aan isaga cuni jiray xaaraantii aan ciil u qabaa

MAXAMED DHEERE: arey xalaashaada iska cun xaaraan intaad cuntay aaba dhib aakhiro kugu filan wiligey xalaal nin u jeedo oo xaaraan u fakaayo adiga kaa hor maba arag

YUUSUF DABAGEED: xaaraanta adiga aan kaa bartay dhibkaana adiga aa keenay hadii adan kan Cali geedi ah in aad xubinimadaada siin laheen xaalkaada saan ma aahaan lahen maxamed dheerow

MAXAMED DHEERE : hey soo xasuusin hadaan soo xasuusto ciil aaba I dilo males zanaawi aa I gaaday hada telefonka waa iga xirtay. waxaaba iiga daran kuwaan aniga soo magaacabay aaba maanta igu baashaalayo kan Salad Cali jeelle ah muu jeedaa asigoon ku reyooneeyn in uu barlaman galo aan aniga ku daray lakiin kuwaan mar uun waan ka reyn doonaa aniga hadii igu kacdo itoobiyanka waan tilaabsaa israel aan ku xiraa bashiir raage asigoon waxaas aqaanin aniga aa baray hada waxaan rabaa in aan suuq wadaada la geeyo kasoo xiro hadey kuwaan jowhar iga qaadaan

YUUSUF DABAGEED: waxaad rabto ku xiro ee uun xilka Hiiraan isoo celi waan ku baryaa suuqaan jowhar shaqo waa ka dhamaatay xoolahana waaba jirin yahiin wax gadaayo oo la dalaalo xitaa malahan

MAXAMED DHEERE: ebow iska adkeyso waa laga gudbaa wey kaaga roontahay xiligii maxakamadaha oo juqdaa ku jiri jirtay oo xitaa dalaalnimo luguu ogaleen ee lacagta ha igu badin waad ogtahay maalmahaan shacab aan noqonay shirkada hormuud lacag ey naga qaadaa markaan xooga lahaane aniga iyo maleeshiyadeyda mobeelo lacag la,aan ey nasiisay ee Nabad GelYo

YUUSUF DABAGEED: waayahay aniga waan soo duceynaa waana kaa war sugaa hadaad wax hesho ha i moogaan ee Nabadey.

Saturday, October 27, 2007

Cabdulaahi Yuusuf VS Cade Muuse

CADE MUUSE : hello jaale madaxweyne waan ku salaamay

CABDULAAHI YUUSUF: war cade muuse waanu kaa qaadaye reer putland ka waran

CADE MUUSE: jaale madaxweyne wey fiicanyahiin adiga unbey caafimaadkaaaga ka welwelsanyahiin

CABDULAAHI YUUSUF: dee anigu aad baan u ladanahay dadkeyga reer putland u sheeg waxuunu habeen iyo maalin ka shaqeynayaa sidii ay ugu soo laabanlahaayeen daarahooga hadane London baan joogaa iminka waxaanu u imaaday in aan caafimaadkeyga baaro dee tan iyo markii aanu moqdisho tagay qoladan hawiyaha ah si wanaagsan bey isoo dhaweyaan oo aysan madaxdii ayiga ka dhalatay usoo dhaweyn waxey I dejiyeen madaxtooyadii aanu xitaa siyaad bare oo reerkeena ah ugu sabri waayay oo wiligey u dagaalami jiray in aan galo maalin uun markaasi lama soo koobi karin sidaan u farxay lakiin dee maalin walba sidey bam iyo hoobiyayaal noogu soo tuurayeen dee cabsi baan ku joognay halkaas maalamaha aanu joogay 10 kiilo baa iga dhacday xitaa dhakhtarkii markaan u imi wuu I garan waayay lakiin hada ilaahbaa moqdisho anigoo nabad ah iga soo bexiyay

CADE MUUSE: jaale madaxweyne ciidmada itoobiyanka ah maxaey qabanayaan amnigiina ma sugi karaan miyaa maxey qabtaan hadii aysan amnigiina sugi Karin

CABDULAAHI YUUSUF : dee cadow hawiyahaan maaro looma helo si walba yeelanay waxuuna usoo dagaalamay in aan madax noqdo laga bilaabo jabahadeentii ilaa hataan faraxdaan u qabay madaxtinimada bey I nacsiiyeen lakiin dee sidaad kuma dey doono xilka madaxtinimada

Cade muuse : jaale madax weyne anigu waan sameyay amarkeedii waxuuna kula dardaamay qolada doomaha wada in ay bada ku daadiyaan qofkastoo hawiya ah dowlada yaman waxuuna ku leenahay ciidmo badeed maqabno

CABDULAAHI YUUSUF: waad dadaashey lakiin waxaan hawiyaha ah wax dhamaanaayo maahan falastiinba ka daran kuwa moqdisho joogo ciidmada itoobiyanka ayaa kasaaraayo ee inta soo qaxdo doomaha saara bada yeysan dhaafin gacmahana halagu xiro dee waxaa macquul in ay dabaashaan markaan dib ugu soo laabtaan dalka

CADE MUUSE:Jaale madaxweyne amarkaada baa jiro waan sameynaa wax walboo arinkaada fududeynaayo , hada moqdisho miyad ku laabaneysaa ?

CABDULAAHI YUUSUF: moqdisho kuma laabanaayo inta ay ka imaanayaan ciidamada Africanka xoogaleh sidii nayjeeriyaanka dee qoladan xaabashida dalka kama wada saarin lakiin markii yimaadan qolada xoogleh dee danbaa bada loogu wada shubaa intii hada is geesineyneyso waan joogi waayay hadiiba ilaah mar iga soo bexiyay kuma laabanaayo waxaan rabaa in marka hore qolayahaan hawiye oo inta habeenkii daawada kooxa mintidiinta ciraaq iyo afgansitan dee habeenka danbo kugu fulinaayo waxey daawadeen ayidoon laga reyn kuma laabanayo moqdisho

CADE MUUSE : jaale madaxweyne hawiyahaan waxaan ka baqaa in xitaa ciidamada Africa wax ka tiri wayaan lakiin waa in aanu ku dadaalnaa sidii beeshu wiligeed dalka u xakumi laheed caruurtaba aanu dagaal gilino jaaniskaan oo kale nam soo maraayo

CABDULAAHI YUUSUF: taas qasab waaye waad u jeedaa imanka saraakhiisha ciidamada qalabka sida dhamaan beesha baan u wada magacaabay dee wasiirka gaashan dhigana hore buu u ahaa reerka dalalka muhiimka ah waxaanu u magacaabay safiir beesha ah marka lagama yaabo in aanu marka kale madaxtinimada naga wareegto waxaan dareemay in ninkani cali geedi ah iyo ina caydiid in ay ku fikirayaan in ay xilka ku wareegan oo waxey isleeyahiin duqani waa dhamin doona inta aan la gaarin shanta sano lakiin wey khaldamayaan ma oga in wiildhalinyaro ah beerkiisa igu jiro dee 10 sano oo hada dhiman waan ka xakumi karaa somaliya

CADE MUUSE : jaale madaxweyne dhib malahan hadii adigu dhimato dee inankaaga baa loo dhiibiyaa tan waa sidey gacanteen usoo gashay qolada hawiyaha ah ma heshiinayaan aniga iyo adiga waanu is dagaalnay dee waxaanu ku wada heshiinay in aanu danta beesha hore marino lakiin qolada reer moqdisho waa wax magarato hadane hubkiiba hogaamiyayaasha waad ka qaaday aad baad u dadaashay

CABDULAAHI YUUSUF: qolada hogaamiyaasha waxuunu ku iri jagooyin baan idiin magacabaayaa runbey u qaateen markiina cabsi baa heysay qoladii wadaada ahaa baa markii caasimada ka saaray marka waxey ka baqayaan in marka kale laga saaro wax walbana diyaar bey u noqdeen, kuwa dowlada ku jirana dhamaan waa isku mid dee sidii salaad cali jaale hadaan ku iraa reerka dhamee wuu dhameynaa amarkeyga hore buu ka qaadanaa

CADE MUUSE jaale madaxweyne waxaan cabsi ka qabaa in wadaada soo laabtaan marka kale gacanta wadanka u galo markii hore bey na sigeene lakiin dee putland baan kugu wareejinaa hadii wadanku u gacan galo in aad meel xakuntaa waaye intaad nooshahay hadii kale ma noolaan kartid adigoon wax xakumin

CABDULAAHI YUUSUF : taa haka baqin mar aanu dheereyn maasjidada wadaada ka dushiyo salaada baa la weyn dooonaa anigaa ka dushin doonaa dadkuna qasabey salaada iigu xiran doonaan waxaanu wadaadadii u kala qeybiyay xabashida iyo CAIDa kuwaas sooma laaban doonan

CADE MUUSE : jaale madaxweyne aanu kula kaftamee wadaada maxaad ku necebtahay inkastoo aniguba jacleen lakiin adiga xoogaa baan kaa roonahaye

CABDULAAHI YUUSUF: dee nimankani horta anigu neceebkeyga waxuu ka bilowday macalinkii qoraanka baa aad ii garaaci jiray asiga sidaan u nacay waxii ka danbeeyay iskuma fiicneen qolayaha wadaada adiguna waad la socotaa waxii na dhexmaray dee anigu waxaan wax kusoo bartay wadamii shuuciga waxey na bareen waxaa ugu horeeya wadaada neceeb, marka dhakhtarkiiba ii imaaday reer putland salaam iga gaarsii nabadeeY

Cade muuse : waa yahaye jaale madaxweyne ilaah hakugu soo laabo dalka adigoo nabad ah nabadeY

Friday, October 26, 2007

QANYARE VS MUUSE

Qanyare :hello muuse waan ku salaamay

Muuse suudi: ar Qanyare ahaa waan kaa qaaday ee manabadaa

Qanyare: Nabad warkeeda majiree muusow intee ka baxday hadalkaaga waa la waayay xaa kugu dhacay adigoo idaacadaha ka hadlaayo luguma arko xaa kugu dhacay

Muuse suudi: waan joogay lakiin xaan sheegaa waxaan keensaday macalin maleesiyaan ah oo luqada englishaka I baro

Qanyare: xaa kugu dhacay hada miyaa English loo baahan yahay xaad luqada xabshida u baran weysay
Muuse suudi: luqada xabshida xaan ka baraa hadii salad cali jeele yaqaano meeshuu kasoo baratay ayaan kasoo baraa ama geedi aan course luqada xabashida lugu baraayo nasiinaayo

Qanyare : muusow macalin mareykan oo ilmahaaga kuu soo direen aa ku bari waayay englishkee side kuu baraa mid maleesiyaan ah

muuse Suudi : ar Qanyare waxii hore waa laga tegay bashiir Raage ciilkiis aan u baraa
Qanyare: bashiirne xow kaa haleeyay idinka aaba nasiib lahaa oo moqdisho doon ka raacaye

Muuse Suudi : horta Qanyare waxa bashiir iga haleeyay lama kala gaaro lakiin waxuu igu qashgashaaday in uu I turjumo gaalada hadalkoodii waxey sheegaayaan waxaan aheen uu ii sheegi jiray aniga gaaladii mareykey gerkeyga arkeen waxey ii maleeyeen nin bashiir ka gedi rabo oo ka tirsan kuwaad gedi jirteen adiga iyo bashiir raage

Qanayare : hada muuse waxaas waa lasoo dhafay anigaba kobahii ayaa iga dhamaaday gureygana habeen madow ayaan ka baxay waad ogeed

Muuse Suudi: ar iga aamus qana haku dhisho fulaynimo badan waxaa kaa fulaysan adiga maba arkin adiga ayaa noo bilaabay dhuumashada

Qanyare : walee adigana muusow geesi maaheen lakiin kuwaas kuwa gees loo noqon karo maaheen ilaah ayaa naga bexiyay yaa la dagaali karo niman jano aduunka looga qeybshay

Muuse suudi : aniga waaba dagaalami lahaa lakiin kii bashiir raage ahaa aan dhahay sheerka aan ku leeyahay ii sheeg dekada markaan qabsano asigana waa ii diiday in uu sheego yaabsa iska sugay hadii aan ogaan laheen in aan moqdisho doon ugau baxeyno waxaasba kama hadli laheen

Qanayare : iimaan daranidaa muusow markii ayaanba mareykan lacag kaaga qaaday goormaad sheer ku fikiri laheeed nin yaableh ayaa tahay lakiinQorshe kale ayaan kuu hayaa ka waran ?

Muuse suudi : hahahhahaha ilaahey lug heyga gooyo hadaan Qorshe danbe oo adiga wado galo anigoon wiligey moqdisho ke bexin oo doon fuulin adiga iyo bashiir raage aa sabab u ahaa dalkeyga kama bexin waxaan soo arkay hadii aad soo araki laheed Qorshe iima sheegi laheen

Qanayare : ar muusow I dhegeyso Qorshahaan caadi maahan markii hore waxaan lacag ka qaadanay mareykanka markaan waxaan lacag ka qaadeynaa sheikh usaam bin ladin waxaan leenahay waxaan la dirireynaa gumeysiga anig towba keeneygii waxuu ka maqlay aljazeera waa I aaminsahay

Muuse Suudi: laa ilaah ilaahu , bin laadin aa arooyow Qanyarow mi sidaad u soo soctay hada oo garkii iska xiiray ayaa rabtaa in aan bin ladin la shaqeeyo xasan daahor aweys waco ee u sheeg warkaas aniga kuma jiro

Qanayare : hada muusow xaad sameyn rabtaa wadankii waad u jeedaa xabashi aa xoog ku heysato anaga waa nagala gudbay waxaa la helay labo naga daacadsan oo zanaawi soo dhaariyay aniga kii salad cali jeel ahaa ayaa ilaahey I daba dhigay xitaa dayniile waan ka joogi la,ahay toosh uu iga daba wataa cidaan ugu dacwood waan la,ahay

Muuse Suuudi: Qanayare I dhaaf maskaxda ha iga qasin hada aa maleesiya leyguugu soo dhaqay aniga waxaan rabaa markaan coursiga luqada englishka dhameesto in aan dhaho Geedi ii magacow degmada kaaraan waxaan ka dhigaa sidii sara dheer dheer oo aan kusoo arkay maleesiya, goorba iima diido markaan ninkale aan noqday intey wadaadii iga gooyeen aa dhib iigu filan kaaraan la,aantiis majoogi karee

Qanayre : kkkkkkkkkkk, ar muusow ma adigii wasiirnimo diidi jiray oo lahaa wasiirimo xey tahay aa hada rabo kaaraan kaliya walee canaan waa garataa waa in loo duceeyo sheekh shariif ,lakiin hada xaa laga gaaraa daacad noqo ama hanoqon wax kale hilimeysid markaad dhameyso coursiga in aad i cirka isbaaro dhigto maahane meel kale malahan oo isbaaro la dhigto isbaaradii dhulka cabdulaahi yuusuf aa la wareegay badana ameericaan marka cirka yaan laga hor marin booska sii cesho hadaad barato English diyaaradaha waad la hadli kartaa

Muuse Suudi : isbaaro beel waxaas waan ka towba keenay ilaahey sheekh shariif cafiyo asiga ayaa sabab u ah ee kaaraan aan rabaa in aan ka dhigo sidii maleesiya xaq badan ayuu igu leeyahay wax badan ayaan isbaaro dhigtay ee adiga yaan dayniile lagaa qaadan hadalkana heyga badin macalinkii aa ii imaaday ee Nabadey

Qanyare : muusow nin yaableh aa tahay meeqo sano aan kulahaa wax baro hadaad English aqoon laheed bashiir raage uma baahnaa laheen C.I Adana intey nasiin jirtay oo kale aad qaadan lahed hadase waa kheer hadii aad leedahay kaaraan ayaan ka dhigaa sidii maleesiya.

Muuse Suudi: waxii lasoo dhaafay waa lasoo dhaafay ee iska jir hee Qanyarow magaalada qaryaxada waa bateene bakoorta iyo adiga hakala dhumina

Qanayare: bakoor waaba ka sabri karaa ee dayniile aan ka sabri karin meeshuu kaaraan kaa joogo meel ka daran uu iga joogaa ee yaan ugu dacwooda kan salad cali jeelaa oo tooshka iga daba wato waaba yaabanahay hadii abow quteyba joogi lahaa xow samey lahaa

Muuse Suuudi : waxaan kugu aalo majiraane abow quteyba waad ugu sabartee saalada cali jeelana uga sabar hey wareerin ee nabadey.