Monday, October 29, 2007

Geedi Waan Casilnee Goormaan Cabdulaahi Yuusuf Casili Doonaa ?


Ra'isulwasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi Ayaa Waxaa uu Maanta Magaalada Baydhabo Kaga dhawaaqay in uu Xilka Ra'isulwasaaranimo ISka Casilay kadib markii maalmahaan Khilaaf Weyn oo Soo Kala Dhex Galay Asiga iyo Madaxweynaha Somaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Geedi Ayaa Waxuu Maalmahaan Booqosho ku Joogay Magaalada Adis ababa ee xarunta wadanka itoobiya Asigo Halkaas Kulmo Kula Yeeshay Ra'isulwasaaraha Itoobiya males Zanaawi iyo Madaxda Beesha Caalamka oo Dhamaantood Geedi ku Cadaadiyay In uu IS casilo Si Loo badbaadiyo Dowlada daciifka ah ee uu hogaamiyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Geedi ayaa waxuu Maalmahaan u Joogay Adis ababa si uu tageero Ugu Helo Males Zanaawi lakiin Ra'isulwasaaraha Itoobiya ayaa taas Ku gacanseeray Asigoo Ku Qasbay Geedi In uu IS casilo Asigoo u Sheegay Hadii uu IS Casili waayo in Inta La Xiro Maxkamada Lasoo Saari Doono Maadama uu Lunsaday lacago Fara Badan oo Loogu Tala Galay Shacabka Somaliyeed ee Baahan.

Dublumaasiyiin ku Sugan Magaalada adis aba ayaa Waxey sheegeen In Geedi safaaradaha Yurub iyo safaarada Mareykanka Ka Codsaday inta uusan Is Casilin ka hor In lasiiyo megengelyo siyaasadeed asiga iyo 12 Qoys oo beeshiisa ah iyo Shaqaalihiisa Waxaan La Sheegayaa In arikaansi laga ogolaaday.

Cali maxamed Geedi ayaa waxuu Shacabka Somaliya Kusoo Xasuusan Doonaa in uu Ciida Somaliya Soo Geliyay Xabashi Maantana Xilkii ay Ka qaaday Waxaa uu Sidoo kale Cali Maxamed geedi Dowladii Xabashidu u Dhiibtay U Bedelay Shirkad Ganacsiga Asigoo ka Shaqeeyay Sidii Uu lacag Meel u Dhigan Lahaa

Ugu danbeyntii Shacabka Somaliyeed gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta Geedi sabab u Noqday in ay Guryahooda ka baxaan ayaa Waxey Si Farxad Leh Usoo dhaweeyeen In Geedi La Casilsay Ayigoo Sheegay in ay Sugayaan Cabdulaahi Yuusuf In La Casilo Xabashidana Dalka laga Saaro.

No comments: