
YUUSUF DABAGEED: hello maxamed dheere ma I maqashaa
MAXAMED DHEERE : sifiican kuuma maqlee yaa waaye
YUUSUF DABAGEED: waa Yuusuf dabageed
MAXAMED DHEERE: xaa kugu dhacay codkaada sifiican looma maqlee
YUUSUF DABAGEED: waxaan kaa soo wacaa taar. suuqa xoolaha jowhar aan joogaa
MAXAMED DHEERE: yaa mobeelkii yaa kaa qaatay adigo mobeel heesto aan ku ogaaye
YUUSUF DABAGEED : mobeelkas waxaa iskalahaa shirkada hormuud xoogaan ku heesan jiray ayaanta hogaamiya kooxeedka ahaan jiray lakiin hada markaan shacab noqday waa iga naqsadeeen
MAXAMED DHEERE : kaliga maahan anigaba hada lacag eey iga qaadaan lakiin waan soo xoogeysan doonaa markaas aan lacag la,aan ku hadlaa, ee suuqa jowhar xaad ka qabeysay ma shaqadaadii dalaalnimo aad u laabatay
YUUSUF DABAGEED: haa xaan sameynaa hee shaqo kale malahan hiiraan waa leega qaaday waad ogeed waxaan isla soo marnay in aan juqda ku jirnay lix bilood qubees la,aan
MAXAMED DHEERE : xaad rabtaa xaa kaa haleysan shaqadaada isaga sii jir kuma qasaarin juqda ku jiritaankeeda waxaan baratay af xabashi adigoon baran soamliga sida loo qoro
YUUSUF DABAGEED: hada ebow maxamed dheerow xaad noo sameysay waxaad I dhahday waxaan la hadlaa meles zanaawi xaa kugu dhacay waan kaa war sugaayay
MAXAMED DHEERE: xaan kusoo wacaa teedii aaba Qatar ku jirtee meles zanaawina waa iga xirtay telefonka aniga xitaa gobalka waa leega qaaday lakiin maalamahaan dadka hala laayo ayaan dhahay waxaan Rabaa in maamulka ley soo celiyo hadii ley soo celiyo waan kasoo hor jeesaa
YUUSUF DABAGEED: horta xaa kugu dhacay waan yaabay adigoo idaacadaha ka leh dadka hala laayo markaan maqlay.
MAXAMED DHEERE:yaa xaan sameynaa kuwaan qofaan wax hala la,aayo dhaheyn lama joogi karto waxna uma ogola aniga hadii jowhar leega qaado intaan aaadaa waad ogtahay beerihii iyo dhulalkii aana gadan jiray markaan dhibaatoodo waa iga dhamaadeen.
Wadaaddo la gatana malahan juqda ayey wada galeen kuwa joogana Cabdulaahi yuusuf aaba iiga hormay suuqii la geyn jiray wadaadana asiga aa la wareegay. wax aan ku noolaado xitaa iima soo herin xoolaheygii dhamaa jowhar aa qabo marka waan iska sir siraa kuwaan ayigaaba sii jiri doonin hoos ayaan ka dileynaa korna waan u been guureynaa xal kale malahan
YUUSUF DABAGEED: aniga xaa leegu heestaa adiga Duqa ayaaba caysay hada ka hor oo ku tilmaamatay in uu yahay fajiiste daarood aniga maba caayin duqa waan amaani jirnay kaliya ,xaad iigu soo weydiin weysay waxaan ka haleeyay
MAXAMED DHEERE: horta beentey maaheen in uu yahay fajiiste darood adigana aniga caayay aa ku magacaabay xaan is dhaanaa isku midlee nahay adiga dalaalnimadaada isaga jir hadaan jowhar sifiican usoo dhacsado aniga aa hiiraan kuu magacaabaayo marka kale
YUUSUF DABAGEED: dalaalnimo waa nacay hogaamiyanimada macaanteeda aad I bartay xaaraan aan dhib la,aan isaga cuni jiray xaaraantii aan ciil u qabaa
MAXAMED DHEERE: arey xalaashaada iska cun xaaraan intaad cuntay aaba dhib aakhiro kugu filan wiligey xalaal nin u jeedo oo xaaraan u fakaayo adiga kaa hor maba arag
YUUSUF DABAGEED: xaaraanta adiga aan kaa bartay dhibkaana adiga aa keenay hadii adan kan Cali geedi ah in aad xubinimadaada siin laheen xaalkaada saan ma aahaan lahen maxamed dheerow
MAXAMED DHEERE : hey soo xasuusin hadaan soo xasuusto ciil aaba I dilo males zanaawi aa I gaaday hada telefonka waa iga xirtay. waxaaba iiga daran kuwaan aniga soo magaacabay aaba maanta igu baashaalayo kan Salad Cali jeelle ah muu jeedaa asigoon ku reyooneeyn in uu barlaman galo aan aniga ku daray lakiin kuwaan mar uun waan ka reyn doonaa aniga hadii igu kacdo itoobiyanka waan tilaabsaa israel aan ku xiraa bashiir raage asigoon waxaas aqaanin aniga aa baray hada waxaan rabaa in aan suuq wadaada la geeyo kasoo xiro hadey kuwaan jowhar iga qaadaan
YUUSUF DABAGEED: waxaad rabto ku xiro ee uun xilka Hiiraan isoo celi waan ku baryaa suuqaan jowhar shaqo waa ka dhamaatay xoolahana waaba jirin yahiin wax gadaayo oo la dalaalo xitaa malahan
MAXAMED DHEERE: ebow iska adkeyso waa laga gudbaa wey kaaga roontahay xiligii maxakamadaha oo juqdaa ku jiri jirtay oo xitaa dalaalnimo luguu ogaleen ee lacagta ha igu badin waad ogtahay maalmahaan shacab aan noqonay shirkada hormuud lacag ey naga qaadaa markaan xooga lahaane aniga iyo maleeshiyadeyda mobeelo lacag la,aan ey nasiisay ee Nabad GelYo
YUUSUF DABAGEED: waayahay aniga waan soo duceynaa waana kaa war sugaa hadaad wax hesho ha i moogaan ee Nabadey.
1 comment:
lolzzzzzzzzzzzzzzzz
Post a Comment