Qanyare :hello muuse waan ku salaamay
Muuse suudi: ar Qanyare ahaa waan kaa qaaday ee manabadaa
Qanyare: Nabad warkeeda majiree muusow intee ka baxday hadalkaaga waa la waayay xaa kugu dhacay adigoo idaacadaha ka hadlaayo luguma arko xaa kugu dhacay
Muuse suudi: waan joogay lakiin xaan sheegaa waxaan keensaday macalin maleesiyaan ah oo luqada englishaka I baro
Qanyare: xaa kugu dhacay hada miyaa English loo baahan yahay xaad luqada xabshida u baran weysay
Muuse suudi: luqada xabshida xaan ka baraa hadii salad cali jeele yaqaano meeshuu kasoo baratay ayaan kasoo baraa ama geedi aan course luqada xabashida lugu baraayo nasiinaayo
Qanyare : muusow macalin mareykan oo ilmahaaga kuu soo direen aa ku bari waayay englishkee side kuu baraa mid maleesiyaan ah
muuse Suudi : ar Qanyare waxii hore waa laga tegay bashiir Raage ciilkiis aan u baraa
Qanyare: bashiirne xow kaa haleeyay idinka aaba nasiib lahaa oo moqdisho doon ka raacaye
Muuse Suudi : horta Qanyare waxa bashiir iga haleeyay lama kala gaaro lakiin waxuu igu qashgashaaday in uu I turjumo gaalada hadalkoodii waxey sheegaayaan waxaan aheen uu ii sheegi jiray aniga gaaladii mareykey gerkeyga arkeen waxey ii maleeyeen nin bashiir ka gedi rabo oo ka tirsan kuwaad gedi jirteen adiga iyo bashiir raage
Qanayare : hada muuse waxaas waa lasoo dhafay anigaba kobahii ayaa iga dhamaaday gureygana habeen madow ayaan ka baxay waad ogeed
Muuse Suudi: ar iga aamus qana haku dhisho fulaynimo badan waxaa kaa fulaysan adiga maba arkin adiga ayaa noo bilaabay dhuumashada
Qanyare : walee adigana muusow geesi maaheen lakiin kuwaas kuwa gees loo noqon karo maaheen ilaah ayaa naga bexiyay yaa la dagaali karo niman jano aduunka looga qeybshay
Muuse suudi : aniga waaba dagaalami lahaa lakiin kii bashiir raage ahaa aan dhahay sheerka aan ku leeyahay ii sheeg dekada markaan qabsano asigana waa ii diiday in uu sheego yaabsa iska sugay hadii aan ogaan laheen in aan moqdisho doon ugau baxeyno waxaasba kama hadli laheen
Qanayare : iimaan daranidaa muusow markii ayaanba mareykan lacag kaaga qaaday goormaad sheer ku fikiri laheeed nin yaableh ayaa tahay lakiinQorshe kale ayaan kuu hayaa ka waran ?
Muuse suudi : hahahhahaha ilaahey lug heyga gooyo hadaan Qorshe danbe oo adiga wado galo anigoon wiligey moqdisho ke bexin oo doon fuulin adiga iyo bashiir raage aa sabab u ahaa dalkeyga kama bexin waxaan soo arkay hadii aad soo araki laheed Qorshe iima sheegi laheen
Qanayare : ar muusow I dhegeyso Qorshahaan caadi maahan markii hore waxaan lacag ka qaadanay mareykanka markaan waxaan lacag ka qaadeynaa sheikh usaam bin ladin waxaan leenahay waxaan la dirireynaa gumeysiga anig towba keeneygii waxuu ka maqlay aljazeera waa I aaminsahay
Muuse Suudi: laa ilaah ilaahu , bin laadin aa arooyow Qanyarow mi sidaad u soo soctay hada oo garkii iska xiiray ayaa rabtaa in aan bin ladin la shaqeeyo xasan daahor aweys waco ee u sheeg warkaas aniga kuma jiro
Qanayare : hada muusow xaad sameyn rabtaa wadankii waad u jeedaa xabashi aa xoog ku heysato anaga waa nagala gudbay waxaa la helay labo naga daacadsan oo zanaawi soo dhaariyay aniga kii salad cali jeel ahaa ayaa ilaahey I daba dhigay xitaa dayniile waan ka joogi la,ahay toosh uu iga daba wataa cidaan ugu dacwood waan la,ahay
Muuse Suuudi: Qanayare I dhaaf maskaxda ha iga qasin hada aa maleesiya leyguugu soo dhaqay aniga waxaan rabaa markaan coursiga luqada englishka dhameesto in aan dhaho Geedi ii magacow degmada kaaraan waxaan ka dhigaa sidii sara dheer dheer oo aan kusoo arkay maleesiya, goorba iima diido markaan ninkale aan noqday intey wadaadii iga gooyeen aa dhib iigu filan kaaraan la,aantiis majoogi karee
Qanayre : kkkkkkkkkkk, ar muusow ma adigii wasiirnimo diidi jiray oo lahaa wasiirimo xey tahay aa hada rabo kaaraan kaliya walee canaan waa garataa waa in loo duceeyo sheekh shariif ,lakiin hada xaa laga gaaraa daacad noqo ama hanoqon wax kale hilimeysid markaad dhameyso coursiga in aad i cirka isbaaro dhigto maahane meel kale malahan oo isbaaro la dhigto isbaaradii dhulka cabdulaahi yuusuf aa la wareegay badana ameericaan marka cirka yaan laga hor marin booska sii cesho hadaad barato English diyaaradaha waad la hadli kartaa
Muuse Suudi : isbaaro beel waxaas waan ka towba keenay ilaahey sheekh shariif cafiyo asiga ayaa sabab u ah ee kaaraan aan rabaa in aan ka dhigo sidii maleesiya xaq badan ayuu igu leeyahay wax badan ayaan isbaaro dhigtay ee adiga yaan dayniile lagaa qaadan hadalkana heyga badin macalinkii aa ii imaaday ee Nabadey
Qanyare : muusow nin yaableh aa tahay meeqo sano aan kulahaa wax baro hadaad English aqoon laheed bashiir raage uma baahnaa laheen C.I Adana intey nasiin jirtay oo kale aad qaadan lahed hadase waa kheer hadii aad leedahay kaaraan ayaan ka dhigaa sidii maleesiya.
Muuse Suudi: waxii lasoo dhaafay waa lasoo dhaafay ee iska jir hee Qanyarow magaalada qaryaxada waa bateene bakoorta iyo adiga hakala dhumina
Qanayare: bakoor waaba ka sabri karaa ee dayniile aan ka sabri karin meeshuu kaaraan kaa joogo meel ka daran uu iga joogaa ee yaan ugu dacwooda kan salad cali jeelaa oo tooshka iga daba wato waaba yaabanahay hadii abow quteyba joogi lahaa xow samey lahaa
Muuse Suuudi : waxaan kugu aalo majiraane abow quteyba waad ugu sabartee saalada cali jeelana uga sabar hey wareerin ee nabadey.
Friday, October 26, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment