Monday, October 29, 2007

Shacabka Somaliyeed Geedi Maxuu Kusoo Xasuusan Doonaa


Ra’isulwasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi waxuu Ka Horjeediyay Koox Barlaamanka Ka Tirsan Oo U Badan Tageerayaashiisa sacabkoodana laga dareemayay in lacag lugu soo kireeyay Khudbad Xamaasadi Ku jirtay oo aan Hore Looga Baran waxaa Khubad Geedi ka Muuqatay in uu yahay Nin galgalanaayo ama qof dhiman rabo oo u Baahan Gargaar Lakiin waxaa Loo Gargaaraa Ninkii gargaar Hormarsada

Geedi waxuu khudbadiisa Shacabka Moqdisho kaga codsay In ay Ciidamada dowlada ISka celiyaan Lakiin Uma sharaxin sida ay shacabka Moqdisho isaga Celinayaan Ciidamada dowlada Asigu ra’isulwasaare ka yahay oo laga rabay in ay shacabka Dulmiga Ka Kor qaadaan ? Waxey Mudaneed ku Geedi u sacabka beenta ah u tumaayay in ay Weydiiyaan Hadii shacabku Iska Celiyo Ciidamada Dowlada Kuwa Xabashida maxuu ku sameynaa ma shaah iyo caano ayuu u geynaa sida hada hor Codsaday maxamed dheere ? waa yaabe yaa Mudan In Lala Dagaalmo Ma Ciidamada Somalida Misa Kuwa Gumeysiga ah ee Geedi dalka Keensaday ? waxaan hubaa in shacabka ku nool magaalada Moqdisho uu Garan Karo Cida Mudan In Lala Dagaalamo oo Usan Sheegid u Baahneen.

Geedi waxuu u Muuqday nin inta Adis ababa Tegay Males usoo Tacsiyey waxuu rabayna kasoo waayay Lakiin waxey Mudneed in uu shacabka Moqdisho Ka Codsado in ay Ciidamada Xabashida la dagaalamaan Inta uu Ka Codsan Lahaa in ay La dagaalamaan ciidamada Somaliyeed .

Waxaan shaki Ku jirin In Maalmaha Geedi ay Yahiin kuwa fara Ku Tiris ah Khudbadiisana waxey U muuqatay Mid caadifad Qabiil Ku jirto lakiin Kuwa Geedi Qabiil ahaan Ula safan Doono waxaa La rabaa In ay Ogaadaan Geedi in uu Yahay Kii aragagixiso Ku Tilmaamay Caruurtoda iyo Haweenka oo ku qasbay in ay qabowga Geedaha Hoos Jiiftaan kadib Markii Amarkiisa Lugu Burburiyay Guryahoodii.

Waxaa Khaldamaayo Ninka u maleeyo Hadalka Geedi oo Tuugtanka ahaa in uu Ka Yahay Jaceel uu Qabo Tolkiisa, waxaa laga rabaa Kuwa uu ka dhashay In ay fahmaan wax Geedi Hadakaas Ka Keenaayo in ay tahay kaliya Baahi maxaa yeelay waxuu arkay in meel cidlo ah Looga Tegay waxuu aaminsanaa markii hore hadii xabashi uu heesto in uusan qabiil u baahneen lakiin xabashadii ayaa ka Xiiso Dhigtay waxeyna ka jeclaatay Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Ay Taratan Ugu Jireen Raali Gelinta Males Zanaawi.

Geedi Hadii Barlaamanka Xakuumadiisa Codka Kalsoonida Kala Noqdo waxey U Guul u tahay umada Somaliyeed oo ay Ku soo aadeen Labo Shaqsi oo Kale xun oo Manaxariisata Yaal ah.

Geedi Waxuu ku fiicnaa howsha uu soo bartay in ku shaqeeyo waxaa khalad iskalahaa ninkii shacabka somaliyeed dhakhtar xoolaad uga dhigay dhakhtar Biniadam Lakiin Barlamanka Somaliya Hadii uu shacabka Somaliyeed Geedi ka Hor wareejiyo waxuu Noqonayaa Barlaman shacabka somaliyeed kalsooni iyo ixtiraamo ka Hela inkastoo uusan soo dooran , waxuuna arinkaasi gelinayaa shacabka somaliyeed rejo ah in barlamaanku Cabdulaahi Yuusufna sidoo Kale u Casilo maalin uun maalintey noqotoba.

Dad badan ayaa aaminsan in ay mudan Cabdulaahi yuusuf in uu barlamanku Marka Hore casilo lakiin waxaan leeyahay Cabdulaahi yuusuf waxaa ay u badantahay in ilaah aduunka dhan ka casilo doono maadama caafimaadkiisa laga deyrinaayo marka waxaa wanaagsan In Geedi Laga Hor Istaago in uu Kursiga Ka Sugo Cabdulaahi Yuusuf oo uu Hogaamiyo Umada Somaliyeed Maxaa Yeelay Shacabka Somaliyeed waxuu Mudan Shaqsi Geedi wanaagsan oo danaha Umadiisa Yaqaano.

Geedi waxaan Hubaal ah in uu Tariikhda Somaliyeed Meel xun oo mugdi ah Ka Galay shacabka somaliyeedna ma cafin doono waxuu ka dhigay xakuumadii uu hogaaminaayay NGO Waxuuna Shacabka Somaliyeed kusoo xasuusan doonaa in uu dalkii iyo dadkii somaliya Gumeysi Gacan u Geliyay waxaana qasab in caruurta soo koreyso schoolada sidaas looga dhigo.

waxaana shaki ku jirin in Geedi shacabka somaliyeed maalin uun la xisaabtimo doono waxaana La hubaa in aysan Maalintaas dheeran doonin waxaan u sheegaa ninkey la dheertahay in ay Macquul tahay in xabashidu Geedi xiraan oo ilaah ku salido markaas kadibna shacabka somaliyeed gacanta usoo geliyaan si Haweenkii iyo Caruurtii uu ka qixiyay guryahooda xaqooda gacantooda uga goostaan.

No comments: